Dooni siday qaxooti ka soo qaxay Yemen oo soo gaartay magaalada Bosaso

Dooni siday qaxooti ka soo qaxay Yemen oo soo gaartay magaalada Bosaso


ADVERTISEMENTS
Dekadda magaalada Bosaso ayey Arbacadii ku soo xiratay dooni siday qaxooti ka soo qaxay dagaalada ka socda Yemen. Doonidan ayaa ka timid Magaalada Mukalah.

Waxa ay gaarayaan shacabkaasi ka soo qaxay Yemen 326 qof oo isugu jiray haween, carruur, dhalinyaro iyo dad da’ah, isla markaana qaarkood socodka dhib ku ahaa.

Dadkaasi kasoo qaxay Yemen ayaa waxaa ku jiray muwaadiniin u dhashay Soomaaliya oo dalkooda dib ugu soo laabtay, inkastoo inta badan dadka doonidan siday ay yihiin Yemeniin.

Waxaa loo gudbiyey xarumaha caafimaadka ee magaalada, si xaaladooda caafimaad lagula tacaalo, halka kuwa kale la geeyey xerada qaxootiga ee magaalada Bosaaso.

Maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaaso iyo bulshada qeybaheeda kale duwan ayaa markii ay soo gaareen qaxootiga dekadda kala hortagay biyo, cunto iyo daawo.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gobalka Bari Axmad Cali Cabdullaahi Cirro oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan goobo ay degaan laga siin doono xarumaha loo diyaariyey dadka kasoo baro-kacay dagaalada Yemen.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in laga deerinayo xaalada xerada qaxootiga Yemen ee Bosaaso, madaama hay’adihi gacanta ku hayey ay meesha ka baxeen, dadka ku sugan ay ku noolyihiin dhaqaale ay iska soo aruuriyeen shacabka Puntland.

Puntland ayaa horey u marti gelisay qaxooti badan oo ka yimid dalka Yemen iyo Soomaalida dib ugu soo noqday wadankooda kuwaasi oo in badan oo kamid ah laga bixiyey kharashkii ay ku tagi lahaayeen gobalada kale ee dalka Soomaaliya.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dooni siday qaxooti ka soo qaxay Yemen oo soo gaartay magaalada Bosaso
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-25T17:50:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dooni siday qaxooti ka soo qaxay Yemen oo soo gaartay magaalada Bosaso



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:50 PM and have 0 comments