Dil ayaa lagu xukumay Raggii wariyayaasha dili jiray

Dil ayaa lagu xukumay Raggii wariyayaasha dili jiray


ADVERTISEMENTS
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Dacwad loo haystay 6 Eedeysane oo uu ku jiro Shaqsigii Gaariga Qaraxa ugu Xiray Allaha u naxariistee Ex-wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda Soomaaliya iyo Rag la shaqeynayay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in C/risaaq Maxamed Barrow oo ahaa Shaqsigii Gaariga Qaraxa ugu xiray Marxuumad Hindiyo uu qirtay Dambiga lagu soo oogay islamarkaana Maxkamadda la keenay Cadeymo muujinaya Dambiga uu galay laguna Xukumay Dil Toogasho ah.

Sidoo kale Ragga kala ah

Xasan Nuur Cali Faarax

Macalin Maxamed Abuukar Cali

Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere

ayey Maxkamadu ku xukuntay Xabsi daa’im ama Cimrigaada ha ku furto.

Dhanka kale Muxuyadiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni  ayaa iyagana lagu Xukumay xabsi dhan 5 Sano.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dil ayaa lagu xukumay Raggii wariyayaasha dili jiray
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-27T00:03:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dil ayaa lagu xukumay Raggii wariyayaasha dili jiray



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:03 AM and have 0 comments