Daawo:- Qisada Gabadh Gaalo Aheyd Oo Qoys Faqiir Falastiiniyiin Ah Dartood Ku Islaamtay

Daawo:- Qisada Gabadh Gaalo Aheyd Oo Qoys Faqiir Falastiiniyiin Ah Dartood Ku Islaamtay


ADVERTISEMENTS
waxey aheyd markii ugu horeysay oo ay booqasho ku gaarto Wadanka Falastiin , booqashadaasina waxey ku yeelatay Saameyn xoog badan, waxey arintaasi noqotay in ay kusoo biirto diinta Islaamka , islamarkaana ay kasoo tagto diin been ah, oo haba yaraatee aan wax ka jiraahi jirin.
waxaan usoo galay qoys, oo waxaan garaacay Albaabka, , goortii la iga furay waxaa la igu salaamay salaanta Islaamka , oo waxaa la i yiri

ASA-LAAMU CALEYKUM WALAAL SOO DHAWOW,

qofka isoo dhaweynayay oo ahaa dumar waxaa ka baxayay Nuur, jirkeeda oo dhan ayaa ifayay, indhaheeda qurux ayaad ka dheehaneysay, iska daa wax kalee Gibilkeeda waxa uu ahaa mid aad u wacnaa.
waxaa la iisoo dhaweeyay si aan waligey hilmaamin, waxaanba mooday in la ii wado qasri, horay ayaan u galay hooygeedii,,, Maxaad is leedahay waan kala kulmay guriga Shiikh?, ma maleysan kartid Wallaahi, Waayo guriga oo dhan waxa uu ahaa Firaaqo waa uu Marnaa.
Waxa uu lahaa oo kaliya Saqaf, Gidaaro, iyo ciid waxaa dhax firaashnaa Sijaayad, ay ku fadhiyeen toban rag oo Afurayay, maxaa u maleyneysaa in ay dadkaasi ku afurayaan Shiikh, waa wax yar, waxey isiiyeen wax kamid ah raashiinkii waxaan isku dayay in aan ka diido, waa ay igu qasbeen maxaa yeelay waxaa inoo tahay Marti ayeey igu dhaheen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Daawo:- Qisada Gabadh Gaalo Aheyd Oo Qoys Faqiir Falastiiniyiin Ah Dartood Ku Islaamtay
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-24T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daawo:- Qisada Gabadh Gaalo Aheyd Oo Qoys Faqiir Falastiiniyiin Ah Dartood Ku Islaamtay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments