Boqol Sanno ka hor wuxuu Sayid Maxamed qaadan waayay maanta waa Qabkeena W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi

Boqol Sanno ka hor wuxuu Sayid Maxamed qaadan waayay maanta waa Qabkeena W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi


ADVERTISEMENTS
 Halgankii uu calanka u siday Sayid Maxamed Cabdulle ilaahay ha u naxariista’e wuxuu ahaa iftiinki ugu horeeyay ee gobonimo doon ee u soo baxa ummadda Soomaaliyeed. kamma hadlayo khilaafki dhexmaray Sayidka iyo beelaha Soomaalida ama kala aragti duwanaanta Soomaalida ee shaqsiyadda Sayidka. ee waxaan ka hadlayaa waxa aan la qarin karin ee ah halgankii uu aabaha u ahaa.

Ma’aha in aan leeyahay Sayidka ka hor ma yirin qof Soomaali ah oo leh han waddaniyadeed. Xashaaye wey jireen dad badan oo uurka ka doonaya in ay maalin un dowladnimo helaan. Laakin waxa uu Sayidku bilaabay in uu ficil wax uga doono gumeystaha, taasi oo ahayd dariiqa kaliya ee aan iskaga kor qaadi karnay heeryada gumeysiga.



Dabcan Sayidku waxa uu qaaday talaabo malaha ay adkeyd in la helo qof Soomaali ah oo barigaa ku dhiiran kara! Wuxuu naftiisa ka gaday dadka iyo ciida Soomaaliyeed! Waxaa Sayidka u muuqanayay wax badan oo dadki Soomaaliyeed ee waqtigaa jiray ka dahsoonaa, taasi oo ahayd in meel leysugu keeno Bahda oo ay u badkooda wada ciyaaraan.

Sayidku waxa ugu horeeyay ee uu qoonsaday waxay ahayd in marki uu ka soo dagay dekadda magaalada Berbera uu gaalki Ingriis ee haystay weydiiyo in uu canshuur bixiyo! Sayidku waa qaadan waayay dhaqanka Gumeystaha, waxaana carada uu halkaa ka qaaday ay gaarsiiyay in ku dhinto jihaad ka dhan ah gaalada ama uu nolol sharaf leh dhulkiisa ugu noolaado.

Waxaan is weydiiyay “Kol Haddii Sayidku ka yimid dhul carbeed oo dal ku gal laga qaaday ma doowbaa in haddana ciid Soomaaliyeed dusheeda looga qaado”! Jawaabtu waa maya. Xusuusnow oo ha ilaawin canshuurta uu Sayidku diiday waxaa jiray dad Soomaaliyeed oo deegaanka ah oo raali ku ahaa bixinta lacagtaas xaaraanta ah !.

Dadki barigaa noolaa waxay u kala baxeen dad layaaba oo u qaatay nin waalan, dad uurka ka taageerayay oo u duceynayay iyo dad gacan ku siiyay halganka oo garab istaagay iyo kuwa kale oo garab iyo gaashaanba u ahaa gumeystaha.

Bal isweydii haddii uu Sayidku ka soo dagi lahaa Berbera oo beesha dagan ay dekaddeeda maamuleyso Sayidka carro Soomaaliyeed malagu weydiin lahaa caanshuur? Teeda kale haddii Sayidku siddi uu ku ogaa Soomaalida gumeystaha ka hor ee ay qabaa’ilka ahaanta u daganeyn maku dhalan lahayd in uu dowladnimo Soomaaliyeed doono?


Annigu waxay ila tahay Sayidku hadduu ahaan lahaa nin doonayay in uu Soomaalida xukumo sida uu xoog ugu doonay uguma dooneen, oo wax Soomaalida dhexyaalay kaliya waa beelo ay u daganeyn iyo hankeeda qaranimo oo meesha ka maqnaa!

Boqol Sanno kadib halganki Sayidka xaggee Soomaalida maanta mareysaa?
Soomaalida maanta waxay mareysaa in siyaasiyiinteedu ku hadaaqaan kuna celceliyaan iyaga oo dowladnimo karaadinaya in ay yiraahdaan Waxanu ahayn dowlad xornimada ka qaadatay Engriis barigaa! Iyo Waxaanu ahayd dowlad xornimada ka qaadatay Talyaani barigaa! Waxaanu xornimada ka qaadanay Faransiis! Kuwaasi waa kuwa xornimada sheeganaya. Kuwi ku haray gacanta gumeystaha iyaga warkooda daa oo marki ay waayeel cid ay ku hortaan waxay ku qasbanaadeen in ay u mahadceliyaan ilaahaygi ku daray Itoobiya iyo Kenya.

Gumeysiga ka hor Soomaalidu ma jirin miyaa?

Marka laga reebo walaalaha Djibouti oo iyagu hadda dowladnimo haysta haddana waddanka Djibouti ma’ahan waddan Soomaali kaliya dagantahay oo qowmiyado kale ayaa ladagan oo ay canfartu ugu mudantahay.

Waa hubaal in Djibouti aysan waligeed noqon doonin dowlad awood leh oo la tartami karta dadka gobolka ama kuwa caalamka. Sababo la xiriira dadeeda oo yar iyo dhulkeeda oo kooban.

Marna aan u nimaado Soomaalida kale ee ku fashilantay in ay qaranimo rasmi ah sameystaan wey adkaan doontaa sida muuqata in waqti dhow ay isla gartaan in ay qaran noqdaan inta ay jiraan sababihi dumiyay qaranki awoodba badnaa ee Soomaaliyeed. Inta wali qabiilku ilko waaweyn leeyahay ee aysan jirin cid qaranimo u tanaasuleysa.

Haddaba haddii la waayay dowlad dhexe oo Soomaaliyeed maxay Soomaalidu ku qasbanaatay ama jeclaatay in ay sameyso?

Mar haddii la arkay in dowladnimadu qiimo leedahay, haddana la hanan waayay maamulka dowlad dhexe oo Soomaaliyeed, waxaa booski dowladeed buuxiyay maamul qabaa’il wata magac dowladeed!

Dhammaan maammulada Soomaaliya ka jira waa sidaas oo magacu waa dowlad, dadkuna waa qabiil mutaxan ama mutuxan.

Marki dowladdi dhexe meesha ka baxday waxaa sidoo kale la dhihi karaa Soomaalidu waxay u noqdeen habkii Qabaa’ilka iyada oo beel beesha la dariska ah ay iska ilaaliso mararka qaarna ay isku xulufeystaan.

Waxaa beel walba sameysatay maamul u gaar ah iyada oo beelaha wada dagan tan ugu tunka roon qoondo ahaan loo siiyay Madaxweyne aan dhicin!

Madaxweynuhu ma’aha kii aad taqiinay ee nidaamka dowladeed maamulayay, waa beel daajiye shaqadiisu tahay qaraabo kiil iyo siyaasad qolo jecleysi ku dhisan!

Soomaali oo dhan maanta waxay u baahantahay Nin Sayidki oo kale ah in ilaahay u soo saaro, oo dagaal ku qaada dowladaha calamada qabaa’ilka wata ee ka daran gumeystihii soo duulay.

Boqol sanno ka hor marki uu Sayidku Berbera ka soo dagay qaar baa ku qanacsanaa in waligood ay gumeystiga ku hoos noolaadaan. laakin isagu kuma qancin oo waa qaadan waayay in dhulkiisa shisheeye ku quursado!

Haddeer kuwaa ku qanacsan quursiga amxaarada oo midba midka kale ku leh iska jir waa cadawgaaga!

Soomaali inteedi xorta ahayd maanta waxayba cowrineysaa kuwi kale ee gacanta gumeystaha ku jiray.

Waxaa Qoray: Ayaanle Xuseen Cabdi
Email:ayaanle@hanoolaato.com

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Boqol Sanno ka hor wuxuu Sayid Maxamed qaadan waayay maanta waa Qabkeena W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-02T06:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Boqol Sanno ka hor wuxuu Sayid Maxamed qaadan waayay maanta waa Qabkeena W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:30 AM and have 0 comments