Aragtida Doobnimada Iyo Guurka/Qormadii 1aad Waxa qoray Samiik,

Aragtida Doobnimada Iyo Guurka/Qormadii 1aad Waxa qoray Samiik,


ADVERTISEMENTS
Aragtida Doobnimadda iyo Guurka waa mawduuc la xiriira aragtida bulshada, waxaa luqadda ingiriiska loogu yeeraa (Social Issue), run ahaantii mawduucan waa mawduuc noociisa oo kale uu adduunka qaali ka yahey maxaa yeelay, waxay sharaxaysaa oo ay qeexaysaa mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysata bulshadda adduunka, gaar ahaan, bulshadda reer galbeedka iyo Soomaalida. waxaana jeclahey inaan soo bandhigo waxyaabo badan oo iftiiminaya aragtidan muhiimka ah.

Xaqiiqda dhabta ah ee la xiriirta arrinkan muhiimka ah ayaa ah, midii soo baxday gaar ahaan saaameyntiisa iyo ka hadalkiisa qarniyadii ugu dambeeyay, gaar ahaan, qarnigii ugu dambeeyay ee 21aad. Soomaalida iyo reer galbeedka ayaa noqday dadka ugu saameynta badan mawduucan ka hadalkiisa oo maxaa yeelay, Yurub waxey go’aansatey oo ay saxeexday nidaamka loogu talagaley in lagu xakemeeyo jiritaanka bina-aadamka iyo yareyta dhalmada .

Aqoonyahanka reer galbeedka “Patrick J. Buchana” oo qoray buug uu kaga hadlayo arrintan, kuna magacaabay “The Death of West”, wuxuu kaga hadlay suurtagalnimada macquulka ah ee la xiriirta dabar go’a nin-ka cadaanka ah, wuxuuna yidhi: ”Waxaa macquul ah in reer galbeedku ama ninka cadi uu dabar go’o iyadoo ay ugu wacantahey iyagoo qaatay nidaam ka yimid wadamada horumaray ee ku hormaray dhinacyada taranka aadanaha – macnaha tirada dadka –  sida: china , India iyo Bangladesh. Yurub waxay ku talagashay iney yareyso dadka dhalanaya iyagoo ula jeeda iney xakameeyaan dhaqaalaha shakhsiyaadka, waxa loo yaqaano (personal income) si uu qofka uu awood ugu yeesho inuu dhalo hal qof ama labo qof, dabadeed noloshooda u xakameeyo, dhaqaalahooda ku wajahan dhinacyadda caafimaadka , waxbarashadda, nolosha iyo horumarka mustaqbal”.

Wadamadda yurub oo iminka tiradooda ay tahey 27 dal ayaa uu sheegay aqoonyahanka reer galbeedka in hal wadan oo kamid ahi uu yeelankaro awooda noolaashaha, ku noolaanlahaa mustaqbalka 50sanno ka dib, wadankaasina waa Islaam waana Albania. Macnaha Albania keliya ayaa noolaan karta muddo dheer ka dib, marka loo fiiriyo wadamada kale ee Yurubiyaanka ah.

Soomaaliya, ka dib burburkii dowladii dhexe ee militariga soomaaliyeed, wadanku wuxuu noqday wadan burburay oo ku guuldareystay dib usoo celinta xasiloonidii, amnigii, kala-dambeynii, deganaanshihii iyo jiritaankii umadda iyo taariikhdeedii, wali war sugan ayaanan laga haynin tiradda dadka dhabta ah ee ku nool dalka Soomaaliya, hey’adaha UN-ka iyo hey’ado kale oo maxaliya oo qiimeeya nolosha dadka iyo tirakoobka ummadda ayaa ku qiyaasay illaa 9.9-11 million  oo ruux ay ku nooshahay Soomaliya,

iyadoo aad moodayso inuusan dhicin isbeddel weyn 23-kii sanno ee ugu dambeysay nolosha Soomaalida, wax koror ah xaga tirakoobka dadka taasoo, aqoonyahanada Soomaaliyeed ay sheegeen iney ugu wacantahey dadkii oo baab’ay oo ay isku yimaadeen waxyaabo badan; waxyaalahaas ay aqoonyahanadu xuseen waxaa kamid ah:  Gaajo, Abaar, Dagaalo, Dilal Ujeedo-badan ah iyo shirqool faragelineed iyo caafimaad darro weyn oo ku baahday dhammaan dalka iyo dadkaba.

Sababahaas ayaa ugu wacan in ay kordhi weyday tiradda dadka Soomaliyeed ee kunool dalka, isla aqooyahano kale oo yaqaana cilmiga barashada dadka ayaa iyagana sheegay in Soomalidu ay inta badan aysan aqoonin qiimaha iyo muhiimadda guurku u leeyahey bulshada taariikhdeeda, koro-ukaceeda, dhaqaalaheeda iyo siyaasadeedaba, iyagoo sidoo kale sheegay daraasad qotodheer oo lagu sameeyay bulshadda dhalinta ahi ay ku guursadaan celceliska marka ay jiraan da’da 30 ilaa 35, iyagoo markaa 20% ay guurkooda noqdaaan kuwo guuleysta oo dhisma, iyadoo 50% ay guurkoodu fashilmaan ayna kala tagaan iyagoo aan waxba isku dhalin , 22% ay marna isfuraan marna isku laabtaan, iyagoo kuwaasi ay yihiin kuwo lunsan oo ay saameenayaan waxyaabo badan oo markaa u keenaya iney is-fahmaan ama noolasha ku kala tagaan.

Inta badan caruuro iskuma dhalaan waxeyna isku guursadaan khasab, dan ama inay waalidku isa-siiyaan (Arranged Marriage), 8% iyagu waa kuwo yaqaana ahmiyadda guurka iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada iyo deegaanka, laakiin, markay muddo dheer ah ay isqabaan ayey kala tagaan oo is-furaan, iyadoo waxyaalo kooban ay murankooda iyo furitaankooda sababaan, ubad ayayse isku dhalaan.

FADLAN QORAALKA O DHEER AWGEED BAANU QAYBO UGA KALA DHIGNAY LASOCO QAYBTA LABAAD



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Aragtida Doobnimada Iyo Guurka/Qormadii 1aad Waxa qoray Samiik,
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-21T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Aragtida Doobnimada Iyo Guurka/Qormadii 1aad Waxa qoray Samiik,



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments