Xog iyo Sawirro: Maxaa kala Qabsaday Beesha Caalamka iyo Madaxweyne C/Wali Gaas …

Xog iyo Sawirro: Maxaa kala Qabsaday Beesha Caalamka iyo Madaxweyne C/Wali Gaas …


ADVERTISEMENTS
Wararka aan subaxnimadan Saaka ka helayno Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in C/Wali Gaas Madaxwaynaha Maamulka Puntland ay Shirar Xasasi ah la galeen Madaxda Beesha Caalamku tan iyo habeenimadii xalayn ay shirarkaasi socdeen,iyadoo Beesha caalamku ay doonayo in Gaas ay ku qanciso in uu aqbalo go’aanka ay soo jeediyeen Madaxda DF Soomaaliya.

Wakiillka Xoghayaha Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa C/Wali Gaas la fadhiistay habeenimadii Xalay xiligaas oo ahayd xiligii uu Shir Saxaafadeedka ku qabtay Xarunta Villa Soomaaliya C/Wali Gaas,Waxayna eragadii beesha Caalamku ka xumaatay War-Saxaafadeed uu Gaas ku sheegay in Puntland ayna aqbalaynin qorshaha Dowladda Soomaaliya ay qaadatay.

Gaas iyo Wakiilka Qaramada Midoobay oo dood dheer ay dhex martay ayaa iska wareysaty,qorshaha ay Ku doonayso Puntland in Baarlamaan Soomaaliya leedahay  lagu soo xuli xiligan,Wuxuuna C/Wali Gaas sharaxaad dheer bixiyey sida ay doonayaan ka maamul ahaan.

C/Wali Gaas ayaa Kulankii Subaxnimadii hore ee Saaka Wax uu Wakiilka Qaramada Midoobay Mr Michael Keating u sheegay in aragtida Shacabka Puntlan day lama taabtaan tahay,isla ayna tahay Waajib saaran Maamulkiisu in ay fuliyaan waxa shacabka Puntland ay doonayaan.

Kulamada ay Beesha Caalamku la yeesheen C/Wali Gaas ayaan ilaa iyo hada waxba ka badalin go’aankii ay horay u gaadheen Maamulka Puntlnd,waxayna sheegeen in marba ayna ogolaan doonin in shacabku waxa ay rabaan iyo heshiiyadii Maamuladii Puntland ay galeen ay ka baxaan.





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Xog iyo Sawirro: Maxaa kala Qabsaday Beesha Caalamka iyo Madaxweyne C/Wali Gaas …
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-29T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xog iyo Sawirro: Maxaa kala Qabsaday Beesha Caalamka iyo Madaxweyne C/Wali Gaas …



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments