XOG Cusub: Waa kuma Shaqsigada DF u qabatay weerarkii LIIDO? Wadanka uu u dhashay + Tirada Ragii Weerarka Fuliyey

XOG Cusub: Waa kuma Shaqsigada DF u qabatay weerarkii LIIDO? Wadanka uu u dhashay + Tirada Ragii Weerarka Fuliyey


ADVERTISEMENTS
Weerarkii habeenkii Khamiista ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa dowlada Soomaaliya waxay ku shaacisay iney gacanta ku dhigtay ruuxii ka dambeeyay fikrada lagu weeraray maqaayada ku taala xeebta Liido.

Shaqsiga ciidamada dowlada Soomaaliya gacanta ku dhigtay ayaa lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed, kaasi oo heysta dhalashada dalka Holland una soo safray dalka Soomaaliya, isaga oo ku biiray Alshabaab.

Sidoo kale Ismaaciil Muuse, ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho, kaasi oo masuuliyiin dowlada Soomaaliya ka tirsan lagu xilay.

Waxaa lagu magacaabaa Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed, waxaana la sheegay in lagu xiray magaalada Muqdisho, sida ay daabacday warbaahinta dalka Holland.

Weerarkii ka dhacay xeebta Liido ayaa sababay dhimashada inka badan 20 ruux oo rayid ahaa waxaana ku dhaawacmay inka badan 50 ruux, kadib markii kooxaha hubeysan ay rasaas la dhaceen dadka shacabka ah.

Wasaarada arimaha dibada xukuumada ayaanan xaqiijin xariga Guuleed oo sidoo kale la aamisan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii Jabuuti ka dhacay sanadkii 2014, laakiinse wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ruuxaasi gacanta dowlada uu ku jiro.

Dadkii ka dambeeyay weerarka ka dhacay xeebta Liido ayaa gaarayay Sideed ruux sida xog dheeri ah lagu helayo, lix kamid ah ciidamada amaanka ayaa toogtay, mid kamid ah qarax ayaa ku xirnaa oo wuu qarxay halka ruuxa kale ciidamada dowlada ay gacanta ku dhigeen.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: XOG Cusub: Waa kuma Shaqsigada DF u qabatay weerarkii LIIDO? Wadanka uu u dhashay + Tirada Ragii Weerarka Fuliyey
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-25T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XOG Cusub: Waa kuma Shaqsigada DF u qabatay weerarkii LIIDO? Wadanka uu u dhashay + Tirada Ragii Weerarka Fuliyey



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments