WEERARKII HOTELKA SPLENDID OO SAACADO KA DIB LA SOO GABA GABEEYAY (DAAWO SAWIRADA)

WEERARKII HOTELKA SPLENDID OO SAACADO KA DIB LA SOO GABA GABEEYAY (DAAWO SAWIRADA)


ADVERTISEMENTS
Ciidamada Dowladda Burkina Faso oo gacan ka helaaya Ciidanka Militariga Faransiiska, ayaa waxay maanta soo gaba gabeeyeen weerarki xalay lagu qaaday Hotelka Splendid, oo ku yaala Magaalada Ouagadougou.

Weerarkan, ayaa waxaa gaystay 6 illaa 6 ruux, kuwaa oo la aaminsan yahay inay deganaayeen hotelka la weeraray, oo ay deganaayeen dad ajaaniib ah iyo shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobe.

Waxaa la xaqiijiyay in weerarka lagu dilay 26 qof, iyadoo 56 kalana lagu dhaawacay. Qaraxyo xoogan oo laga maqlay hotelku intii uu weerarku ka socday, ayaa burbur xoogan uu ka soo gaaray gawaari taalay banaanada hore ee hotelka.

Ciidamada Burkina Faso iyo Faransiiska, ayaa u gurmaday oo soo badbaadiyay 126 qof oo ahaa dadkii hotelkan deganaa. Waxaana la arkaayay iyagoo dibadda uga soo saaraaya hotelkaasi.

Roch Marc Christian Kabore, Madaxweynaha Qaranka Burkina Faso, ayaa gaaray hotelkaasi, ka dib markii laamaha ammaanku ay xaqiijiyeen in la soo afjaray weerarka.

Madaxweynaha oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in laba ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday ay dumar ahaayeen, kuwaa oo sida uu sheegay la baaraayo halka laga soo abaabulay.

Ururka Al Qaacidada Galbeedka Afrika, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka uu dhiigga badani ku qubtay, ee ka dhacay Xarunta Burkina Faso.





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: WEERARKII HOTELKA SPLENDID OO SAACADO KA DIB LA SOO GABA GABEEYAY (DAAWO SAWIRADA)
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-18T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WEERARKII HOTELKA SPLENDID OO SAACADO KA DIB LA SOO GABA GABEEYAY (DAAWO SAWIRADA)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:00 AM and have 0 comments