Wax Ka Ogow Macluumaad Xiiso Badan Oo Aanad Hore Uga Maqal Nolosha Dadka Reer Japan

Wax Ka Ogow Macluumaad Xiiso Badan Oo Aanad Hore Uga Maqal Nolosha Dadka Reer Japan


ADVERTISEMENTS
Shacabka wadanka Japan waxa lagu tilmaamaa mid ka mid ah shucuubta adduunka ugu saaxiibtinimada wanaagsan, ugu maskaxda badan uguna dareen iyo feejignaan badan. Waa shacab firfircoon oo dareenkoodu sarreeyo noloshana ku waajaha sabir, dadaal iyo dareen feejignaaneed oo sare. In badan shacabka reer Japan waxa laga qoraa qoraalo badan noloshooda. Waxa aan qormadna kooban ku eegi doonaa dhawr qodob oo muujinaya macluumaad la xidhiidha nolosha reer Japan waxaanay kala yihiin:
1. Carruurta reer Japan waxa ay nadiifiyaan dugsiyadooda maalintiiba 15 daqiiqo iyaga oo la jooga barayaashoodu iyo maamulkooduba.
2. Japan ninka ka shaqeeya nadiifinta waddooyinka waxa lagu magacaabaa “Engineer Caafimaad” isaga oo bishii mushahar ahaan ugu xaadira $5000 illaa $8000 oo dollar, marka shaqaalaha noocaas ah la qaadanayo waxa la marinayaa tijaabooyin iyo waraysiyo afka ah.
3. Japan lama soo degto wax badeeco ah, iyada oo ay hadheeyeen boqollaal dhul-gariir oo ka dhaca sannad kasta, haddana taasi kamay reebin in ay noqoto midda labaad ee ugu horreysa dhaqaalaha adduunka. Haba yaraatee wax badeeco ah oo ay noloshooda u qaataan lama soo degaan iyaga ayaa la soo baxa oo soo saara, waliba adduunka u dhoofiya.
4. Japan waxa lagu bartaa dugsiga hoose illaa fasalka lixaad maaddo la yidhaahdo ‘Barashada Akhlaaqda’ taas oo ardayda barta asluubta wanaagsan iyo qaabka ay ula dhaqmayaan dadka kale.
5. Nidaamka waxbarasho ee wadanka Japan lagama yaqaan dhicid heerka bilawga dugsiga hoose illaa dhammaadka heerka dhexe, sababtuna waa ujeedada waxbarasho iyo midka tarbiyadeed oo ah in la beero lana dhiso qof dhammays ah, oo aan noloshiisa ku koobin wax dhigasho uun.


….La Soco Qaybo Kale

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Wax Ka Ogow Macluumaad Xiiso Badan Oo Aanad Hore Uga Maqal Nolosha Dadka Reer Japan
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-08T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Wax Ka Ogow Macluumaad Xiiso Badan Oo Aanad Hore Uga Maqal Nolosha Dadka Reer Japan



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments