Ugaas Cabdiraxmaan oo maanta geeriyooday

Ugaas Cabdiraxmaan oo maanta geeriyooday


ADVERTISEMENTS
Magaalada Beledweyne waxa ku geeriyooday Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo kamid ahaa hoggaamiye dhaqameedyada ugu caansan Soomaaliya.

Ugaaska, ayaa dhintay isagoo taagan oo guddoominayay shir ay lahaayeen beesha uu ugaaska u yahay oo looga hadlayay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka Hiiraan.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ayaa seddax bilood ka hor dalka Turkiga looga daweeyay xanuun xagga wadanaha ah, lamana oga sababta hadda keentay in uu si deg deg ah u geeriyoodo.

Ugaas Cabdiraxmaan, ayaa saladanada ugaasnimo waxa loo caleemo saaray sanadkii 2001dii, markaas oo uu dhaxlay aabihii Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo geeriyooday.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ayaa lagu xusuusan doonaa kaalintii nabadeed ee uu ku lahaa joojinta colaadaha gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya iyo ka shaqayntisii isu soo dhawaynta Soomaalida.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Ugaas Cabdiraxmaan oo maanta geeriyooday
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-04T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ugaas Cabdiraxmaan oo maanta geeriyooday



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:00 PM and have 0 comments