TURKIGA OO DIGNIIN U DIRTAY RUUSHKA, KADIB DIYAARAD RUUSHKA LAGA LEEYAHAY OO KU XADGUBTAY HAWADA TURKIGA

TURKIGA OO DIGNIIN U DIRTAY RUUSHKA, KADIB DIYAARAD RUUSHKA LAGA LEEYAHAY OO KU XADGUBTAY HAWADA TURKIGA


ADVERTISEMENTS
Xukuumadda Turkiga ayaa waxa ay digniin adag u dirtay Dowladda Ruushka, kadib markii Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka ay ku xadgubtay hawada dalka Turkiga.

Recep Tayyid Erdogan, Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sheegay hadii Ruushka uusan ka fiirsan ku xadgudubka uu ku sameynaayo hawada dalka Turkiga inuu la kulmi doono caqaawib xumo.

Duuliyaha Diyaarada ayuu sheegay in loo diray digniin ku aadan Xadgudubka Diyaarada ay ku sameysay hawada Turkiga, waxaana digniinta horudhaca ah loogu sheegay Luuqadaha Englishka iyo tan dalka Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa beenisay jiritaanka eedeymaha ka soo yeeray Dowladda Turkiga.

Ururka NATO oo labadan Dowladood ay qayb ka yihiin ayaa ugu baaqay Dowladda Ruushka inay ilaaliso hawada dalalka xubnaha ka ah Ururka NATO. 

Bishii November, Turkiga ayaa soo riday diyaarad dagaal oo laga leeyahay Ruushka, iyaga oo sheegay in ay ku soo xadgudubtay hawada sare, arrintaas oo isku badashay dhibaato diblumaasiyadeed taa oo Ruushku cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah uu ugu soo rogay Turkiga.

HALKAAN KA DAAWO




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: TURKIGA OO DIGNIIN U DIRTAY RUUSHKA, KADIB DIYAARAD RUUSHKA LAGA LEEYAHAY OO KU XADGUBTAY HAWADA TURKIGA
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-31T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
TURKIGA OO DIGNIIN U DIRTAY RUUSHKA, KADIB DIYAARAD RUUSHKA LAGA LEEYAHAY OO KU XADGUBTAY HAWADA TURKIGA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments