Sweden: Wiil Qaxooti ah oo mindi ku dilay haweenay ka shaqeysa Xeryaha Qaxootiga [Sawiro]

Sweden: Wiil Qaxooti ah oo mindi ku dilay haweenay ka shaqeysa Xeryaha Qaxootiga [Sawiro]


ADVERTISEMENTS
Wiil dhalinyaro ah oo kamid ah qaxootiga iska dhiibay dalka Sweden ayaa Isniintii shalay mindi ku dilay haweenay kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya xeryaha Qaxootiga ee wadankaasi.

Falkan ayaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Mölndal, waxaana la sheegay in haweenayda ay u dhimatay dhaawacyadii kasoo gaaray mindi uu ku dhuftay wiil dhalinyaro ah oo kamid ah qaxootiga halkaasi lagu hayo.

Booliiska Sweden ayaa diiday inuu xiligan shaaciyo Wadanka uu kasoo jeedo wiilkan qaxootiga ah ee dilka geystay, waxayna sheegeen inay baaritaan wadaan.

Wiilka gacan ku dhiiglaha ah ayaa waxaa la sheegay inay qabteen dadkii qaxootiga ahaa ee xerada ku jiray kahor intaan booliiska goobtaasi gaarin.


Dilkan ayaa kusoo beegmaya xili ay Taliska Booliiska Sweden ay todobaadkan codsadeen in lagu soo kordhiyo ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 4000 (Afar kun) oo askari, si ay uga qeyb qaataan arrimaha Qaxootiga badan ee dalkaasi soogalay iyo waliba sugida amaanka.

Bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa sidan oo kale nin asal ahaan kasoo jeeda wadanka Eriteraya uu midni ku dilay labo qof oo ku sugnaa dukaanka weyn ee IKEA. Ninkaasi dilka geystay ayaa la sheegay in dowlada ay u diiday sharciga.

Wadanka Sweden oo shacabkiisa lagu qiyaaso inay gaarayaan 9.8 milyan oo qof ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2015, waxaa gaaray qaxooti tiradooda kor u dhaaftay 160.000 (boqol iyo lixdan kun).


Sweden oo horey loogu yiqiinay dalalka ugu soo dhaweynta fiican ee Midowga Yurub ayaa dhamaadkii sanadkii tagay sheegtay in xeryahooda qaxootiga ay buuxsameen isla markaana aysan qaabili karin qaxooti kale. Waxayna sheegtay in qaxootiga hada ku sugan gudaha wadankaasi aysan heysan goobo ku filan oo ay seexdaan.

Tilaabooyinka dowlada Sweden qaaday ayaa waxaa kamid ahaa inay adkeysay xaduuda ay la wadaagto dalka Denmark oo ay uga soo gudbanaa inta badan qaxootiga soo mara dalalka Giriiga iyo Germany.

Dhinaca kale waxaa wadanka Sweden bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayey cadaawada ay shacabka dalkaasi u muujinayaan dadka soogalootiga ah, waxaana jiray weeraro lagu qaaday xarumaha ay leeyihiin dadka qaxootiga ah ama soogalootiga oo ay ku jiraan masaajidada ay maamulaan Soomaalida.





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sweden: Wiil Qaxooti ah oo mindi ku dilay haweenay ka shaqeysa Xeryaha Qaxootiga [Sawiro]
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-27T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sweden: Wiil Qaxooti ah oo mindi ku dilay haweenay ka shaqeysa Xeryaha Qaxootiga [Sawiro]



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments