SWEDEN OO KU DHAWAAQDAY IN QAXOOTI GAARAYA 80-KUN AY DALALKOODA DIB UGU CELINAYSO

SWEDEN OO KU DHAWAAQDAY IN QAXOOTI GAARAYA 80-KUN AY DALALKOODA DIB UGU CELINAYSO


ADVERTISEMENTS
Dowlada Sweden ayaa shaacisay in dalkeeda ka masaafurin doonto ku dhawaad 80 kun qaxooti ah oo badankood dalka soo galay sanadkii 2015.

Qaxootigan ayaa la sheegay in go’aan lagu gaadhay in dalka laga masaafuriyo kadib markii ay kiisaskoodii qaxootinimo guuldareysteen.

Warkan ayaa waxaa laga soo xigtay wasiirka arimaha gudaha ee Sweden Anders Ygeman oo sheegay in Booliska lagu amray in dadkan xeryaha laga soo aruuriyo si dalalkoodii loogu celiyo.

Waxa ay qaadan doontaa sanado badan maadaama dadka dib loo celinaayo ay tiradooda tahay kuwa aad u badan.

Waa tiradii ugu badneyn ee Dowladda Sweden ay ku dhawaaqdo inay dalalkooda dib ugu celin doonto, xilli Qaxooti badan ay dalkaasi gaareen.

Dalka Sweden oo tirada dadkiisu tahay 9.8 milyan ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxaa galay qaxooti dhan 160 kun oo qof.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: SWEDEN OO KU DHAWAAQDAY IN QAXOOTI GAARAYA 80-KUN AY DALALKOODA DIB UGU CELINAYSO
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-29T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SWEDEN OO KU DHAWAAQDAY IN QAXOOTI GAARAYA 80-KUN AY DALALKOODA DIB UGU CELINAYSO



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:00 AM and have 0 comments