Somaliland oo qabsatey Balli Cad oo Khaatumo shir uga furmi lahaa

Somaliland oo qabsatey Balli Cad oo Khaatumo shir uga furmi lahaa


ADVERTISEMENTS
Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo si xoogleh u hubeysan oo ka socda maamulka Somaliland ay qabsadeen tuulada Balli-cad oo qiyaastii dhanka Bari 57km uga beegan xarunta Magaalada Buuhoodle.

Tuulada Balli-cad waxaa maalinta berri ah ee Jimacada ka furmi lahaa shir uu ku dhawaaqey Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr. Waxyana dhacdaa waddada loo maro Degmada Buuhoodle marka laga tago Saax-dheer, waxaana ay hoostagataa Buuhoodle.

Balli-cad ayaa muddooyinkmii danbe xarun u ahay Khaatumo, Todobadkan waxaa Balli-Cad gaarey Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif, Xaildhibaan ka socdey Federaalka, waxaana ay asheegeen in ay wadaa qorshe lagu mideynaayo Khaatumo iyo Maakhir.

Wararku waxay sheegayaan in  aan wax dagaal ah ka dhicin Balli Cad oo Khaatumo si nabad ah uga baxeen halkaas iyaga oo u baxay dhanka Buuhoodle iyo weliba dhanka xuduudka Itoobiya.  Wararka qaar ayaa sheegaya in  Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr uu ku sugnaa halkaas marka Somaliland weerarka ku qaadey Bali-cad  ee gobolka Cayn.

Sidaan si lamid ah ayaa ciidamo taabacsan Somaliland weerar ugu qaadeen Tuulada Saax-dheer halkaas oo la doonaayey in uu ka dhaco shirkii lagu dooran lahaa maamulka Khaatumo.

Hoos ka dawo Balli Cad oo lagu soo dhaweeyey Cali Khaliif galayr maalintii Isniinta:



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Somaliland oo qabsatey Balli Cad oo Khaatumo shir uga furmi lahaa
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-15T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Somaliland oo qabsatey Balli Cad oo Khaatumo shir uga furmi lahaa



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments