Sheeko Jacayl Tii oogu Xanuunka Badnayd: Godobtii Loogaystay Gabooye(Hadad Beer Jilicsantahay Ha isku Akhrin)

Sheeko Jacayl Tii oogu Xanuunka Badnayd: Godobtii Loogaystay Gabooye(Hadad Beer Jilicsantahay Ha isku Akhrin)


ADVERTISEMENTS
Sheekadii Godobtii Loogaystay Gabooye!!!!!

Waxaa Qoray :Abdirashid Abdullahi Ahmed (Dhanaane)

Tariikh 25/1/2007



Duniay maxamed jamac kabatoli waxay ahayd gabadh da,yar ah, muqaal ahaan majirin gabadh laqiimo iyo laqurux ah magaalada Haar-gawaan waxayna lahayd qurux uu ilaahay kumanaystay itaal dheer, ilka siman, af madow, Kubab waa wayn, xubno jalaqsan, garbahana lama rogaaline way shubnaayeen,.


waji dhulan oo ay kudheehan tahay labeen casaan xigeen ah, ilka heedu waa cadiin marka ay qosa shana waxaad dhihi yaa afkeeda caano ku gadhoodhsada,.

Saan Qaadka Socodka iyo Rogitaanka Talabada ma’ahayn mid hab hablaysa ee waxaad moodaa in loo tababaray hab dhaqankii wanaag sanaa ee ay lahayeen hablihii somaliyeed.

Hadaad aragtid adiga oo shugansi gaad gaad aha wa lahubaa in ay hanjaleelo kaa soo dadan labiskaad qabtaana dhinacyada ayaad ka eegi lahayd garbahaaguna midba gees ayuu ugun dhismilahaa.

Waxa uu alle kumanaytay Duniyo xishood, afgaabnaan, fur furnaan iyo waliba dabeecad aad uwanaagsan oo aadan marna kadaalaynin la hasowgeeda .

Waxanaa looga yaqanay magalada Haar-gawaan magaca ay ubixiyeen ragga kudhaqan magaladaas oo aha caddow lagumacuno oo ay oo la jeedaan qurux khasaartay oo uuna nina hawo kaqabin laakiinse ninkii arkaa ay ku kacayso qaman dhacoyo bilaa qardoofa aha.

Maxamed Jaamca Kabatoli waxa uu caan kayahay magaladaHaar-gawaan  iyo aageeda waxa uuna caan kuyahayay ugaadhisiga iyo waliba gabatolida ama tumaalinimada.

Maalin maal maha kamid aha waxa uu ugaadhsi tagay duledka magalada Haar-gawaan  ee Degmada Dhanaan waxa uuna halooday goodir xoogoon oo daaqahaya galaha laagta gilla meesha lagu magacaabo adhi xumays Waa uuna Toogtay oo waa dilooday .

Isaga oo la lagdamahaya goodirkii ayaa waxa kusoo baxay labo nin oo kamid aha dadka daganaa magalada Haar-gawaan wayna isbariidiyeen waxa uuna kusoo dhaweeyay hilib solan oo uu sifiican oogu dubay dhuxul golool hasa yeeshee 2dii nin waxay oo gu jawaabeen anagu macuno cuntada midgaha ee ninyaho iska qoosh qoosho bakhdigaaga wayana katageen ayaga oo isku Lahaa wadhi anaga ayuuba midgaan nasoo dhawayn iyo hadalo kale oo kajan iyo yasid aha .

Maxamed jamac waxa uu layaabay abaal uu laha aad ugashid nimanka ay iskudagmada yihiin iyo waxa ay oogu danbariyeen isaga oo tacajubsan ayuu kusoo laabtay magaladii waxa uuna galay fakir aha sababta ay labadii dii nin saas oogu galeen hasayeeshee waxa uu dhafin wayay hadaladii ay dashadeen dhagihiisu ee aha midgaan  Nasab Dhiman ah.

Mohamed  waxa uu iswaydiiyay sababta loogu yeedho midgaan nasab dhiman aha madaama uu yahay nin soomaliyeed walibana maala muriqiisa xalasha aha kamana foolxumi,kamana tabar yari ee maxay tahay aafadan lamaanaha laaiga dhigay ayuu isku maaweelinhayay maxamed!!!.

Waa amin casar aha oo ay qoraxdo baalka dhigtay  waxayna Cad-ceedu  dhulka ku gantay falaadhaha cas cas Duniyo Maxamed Jamac kabatoli waxay soo aaday magalada si ay oo ga soo iibsato cashadii ay habeenkaas Karin lahayd.

Duniyo waxay soo agmartay koox rag aha oo meel gidaar ah ku ciyaarahaya shax ama jaro waxaana dhamaantood sameeyay quruxdii iyo muqaalkii ay lahayd maalin taas duniyo mid walibana waaxa uu kujwaabay balo kugu dhacaday waa qurux khasartay!!!!

Waxaa shaki la,aan ahayd in dhamaan raga magalada ay wada doonahayeen sidii ay kuheli lahaayeen gabadhasi hasa yeeshee  mid waliba waxaa dabrahaya dhaqanka xaaraanta aha eenan lahayn taarikh iyo raad toona ee aha in aysan is gayin ama isu dhalinba wiil ajji aha iyo gabadh gabooya aha .

Bishaar Ugas Farax waa wiil dhalin yara aha waxa uuna kamid yahay dhaliyarada magalada ee guurdoonka aha waxayna daris yihiin Duniyo oo waxay wada daganaayeen xafada reer masajid aqoon dheerna way isuleeyihiin waxayna yaraantoodii isla raaci jireen xoolaha .

Bishaar qudhiisu muqaal ahaan kama liito Duniyo lakiin waa nin xidh xidhan maalinkastana way is arkaan Duniyo Laakiin wax wada hadal ah ma dhaxmaro  ama shukaansi aha kumana soo hadalqaadi karo maadama uu yahay wiil uu dhalay nin ugaas aha.



Bishaar waxa uu Jacayl Hoosaad u Qaaday Duniyo isaga oo og Kana war qaba Dhaqanka Qalafsan ee Kadhanka Ah Bani Aadanimada ee ay Soomaalidu Ku Dhaqanta ee ah In Bulsho Soomaaliyeed oo Xalaal Ah Latakooro waxa uuna u batay Jacaylkiisu Mid iska Dhalanteed ah oo aan Dhab noqonkari Mina dhalayn .



Hur-gumada Caashaqu waa mid u diida Hurada waana mid uu la hadh gali waayo Bishaar waxa uuna laasimay in uu afka Liilan Saaro oo uusan Naftiisa Nolasha u Qoonsan.



Bishaar waa uu Bushaaniyay oo waxaa beer jaray jacaylkii kii ku noqday sur dhagax gashay xitaa hadii uu neefsan lahaa oo uu dhihi lahaa uun Gabadh Hebla ayaan jeclay waxaa laga sibi lahaa Waramada Caashaqa ee sanbabada Kaga qotama lakiin ma ku dhacaa Bashiir in uu soo Hadal qaado Duniyo ? Jawabtu waa Maya.



Saaxiibku waa ka ku garab istaaga xiliga ay xaaladu kugu xumaato balse arinta haysta Bashiir ma yeelan karaa saaxiib Gacan Siiya oo garab qabta Bashiir? Mise dhici kartaa in uu afka ku balaadhiyo Bashiir Jacaylka uu u qabo Duniyo ? Jawabuhu waa kuwa aan Rajalahayn oo wada maya ah .

Waa Galab casar aha Bishaar waxa uu fadhiyay hoos qoodaalka gurigooda waxanaa bowda soo istagtay Duniyo ood moodi reer yurb dhalalka wajigeeda kabixina adan malaynkarin Bishaar waxaa niyadiisa dhufatay dhalaka iyo wanaaga kasoo baxahaya Wajiga Duniyo .



Bishaar waxaa kashidmay Maskaxdiisa Filim khiyaali aha oo uu kudoonahayo in uu guri lagalo Duniyo isaga oo isleh sanadan waxa iisoo go,day masago aad ubadan oo beertaydu waxay dagaysay shan jeer Lo,dii iyo Geeliina mid waliba waxaa laga qaataa xidhaale ee sanadkan waa in aad labaxdaa Gabdhan Duniya aha .

Bishaar waxa  filimkaas  uu ushidnaa wakhti dheer ilaa habeenkii oo dhan waxa uu kumashquul sanaa Duniyo laakiin mar Waliba oo uu soo gaba gabeeyo filimka waxa soo hor istaagaysay su,aal ah seed ku guursan gabadh gabooyaha ah adoo uu aabahaa  yahay ugaaska magalada markaas ayuuna dib oo bilaabahay walbahaar murugaysan.

Run ahaantii Bishaar aad ayuu ooga jeclaa Duniyo niyada laakiin waligii oo masheegin lagamana maqlin hadal qaadka Duniyo marka lagareebo habeenkii oo uu ku qarwijiray magaceeda iyo waliba marka uu arko Duniyo oo uu wax iskabadali jiray dareenkiisa shakhsi ahaaneed. **

Duniyo iyada qudheeda waa lagu jiray oo waxa ay usoo istaagtay bowdka ama sarsarka waxa uu ahaa in ay mar uun aragto Wajiga Bishaar Duniyo jacaylkay ay uqabto Bishaar cid og malaha oo hadii lamaqlo waxaa rajmin oo Dhagax Ku Dili  gabdhaha kale ee kunool Magalada.

Gabdhaha Magalada Haar-gawaan Kunool ayaa waxsay Badan Koodu u Han waynaayeen Helitaanka Bishaar sidaas awgeed ma aysan lahayn awood ay kusoo bandhigato jacaylkeeda.



Duniyo Intaas waxaa u dheer oo ay Aad ooga wal wali Jirtay Qaabka iyo sida ay oogu Sheegi lahyad Bishaar in ay Jeceshay Iyada oo niyada ku haysa ama ka baqaysa   in Hadii ay Bishaar u Sheegto  in ay Jeceshay iyada oo ah Gabadh Gabooye ah uu Bishaar Qudha ka qaadi oo uu Dili.



Jacaylka Xalasha ah mayaqaano Qabiil ,Nasab,Qurux ee waxa uu yaqaan oo kali ah qalbiga uu Jeclaado waana jacaylka dhabta ee ka fayowg xanuunka qabyalada iyo isir sooca wacnaan lahaydaa in ay Soomaalidu  ka  Guurto Caadooyinka Xun Xun ee Lagu Faquuqayo Walalaha Soomaaliyeed.**

Bishaar waxaa kudhacay cudurkii ladhihi jiray jacayl oo waxa uu la ilxunyahay  Jacaylkuu u Qaday Duniyo oo iskadaa in uu ushegee waxa uu leeyahay hadii lagaa maqlo magaceeda hadhcad ayaa lagu xabaal olalin o Sharafta Reerkiina ayaad Meel ooga Dhici.



Bishaar Calshoosiia  Waxaa kajira Walaac iyo Walaahow  badan waxana isku Ceshada oo ku dagalama Caloosha Bishaar laba kala maan ah waa Jacayl  iyo Dhaqan, Jacaylku Mar waliba waa uu Gar leeyahay lakiin Dhaqankaa  ka awood Badiya o oaf-duubta .

Bishaar waxaa Shida Laabtiisa oo Huriya Niyadiisa Soo Badhigitaanka Jacaylka Duniyo oo afkiibaa Diidan Calooshiina waxaa Karinaya Xumadii Jacaylka .

Waxa uuna Bishaar isleeyahay Soo Bandhigitaanka Jacaylka Duniyo waxa uu kugu  keenayaa  cawaaqib xumo anan kasoo waaqsilahayn habeenkiina wuu ilmeeyaa maalintiina dhulka ayuu jeex Jeexaa oo Fakar awgii ayuu kaligii isku Mashquulaa .



Bishaar Ugas waxa isbadalay dhamaan Dabeecadii ,muqaalkiisii iyo Hanaan Socdkiisii waxaana dareemay aabihii Ugaas Faarax oo aad ujeclaa wiilkiisa uu kucurtay .

Ugaas Faarax oo Fadhiya  Geed Dhidin ah oo Ay odayaashu Kula Kulmaan ayaa waxa uu maqlay Wiilkiisii Curadka ahaa oo Tiriyay Tix Geeraar ah  isaga oo leh “

Goobtaan istaagaba Ilmaan Gobo’kusiiyaaye

Geed kaan Fadhisntaba Dhulkaan Gudub  u Jeexaaye

Go’ay oo Gablaymay Jacayl Gabooye Maxaa igu Rasaray?



Waa gablan Taladu oo Caashaqu kama Garwaaqasade

Lagamana Gar helo oo Dhaqanbaa Jiray Gurada Noosaran

Bal aan Ka Gar Suga Cashq Gabooye waxuu Golaha Keenaye!!!



Ugaas Faarax Waxaa Loo Dhafay Wadnaha oo waxaa ku soo fakatay Tala aduun waxa u geeraari  Gabadhii Gabooye waa curadksii waxa uuna Guda Galay Fakar iyo Walaahow sidii uu ooga Bad Baadin lahaa Wiilkiisa Gabadhas Gabooye.



Waxa uuna Ugaas Faarax Ku  Beer Laxowsaday “Alla anay Ceeb socota Guriga ii soo Gashay Ma hada ayuu Hamigiisa Galiyay in uu Guursado inan Gabooye ah war Ileen La yidhi Nin Aduun Ku Noolow Maxaa Aragti Kuu Laban.”!!!





Ugaas Farax Wali waxa uu Kujira Calaa Calkii iyo erayadii Beer Laxowgisa ahaa  waxa uuna Laahaa” Alla Wiilkaygu Ma Fayoobo waa la sixray all magacay B’e tana ma ii dhimanayd ma anoo Ugaaskii Degaanka ah ayuu Wiilkaygii Guri gashan Gabadh Gabooye ah oo nasab Dhimaan ah walle Taladu waa cayn-wareeg.”!!****

Duniyo Waxay la daalaa Dhacaysaa  jacaylkii ay uhaysay Bishaar waxayna Adhi tira aha kumayracaysaa Marta Bali-Sonkor  oo Dhacda Duleedka Magalada Dhanaan waxaa garabka oogu Duuban Xadhig Dhagaati  ah oo ay kasamaysay maydhax Qarari ,dhaxdana waxa oogu duuban maydhax farabadan Daanka na waxay kuhaysaa labo liilan oo maydhax aha oo ay calalinayso si ay usoohdo waxaYna adhiga oogu geeraraysaa.



Anigaa Naftaydii Haligay oo Harer Maray’e

Anigaa Han kala Goostay Hibo Xumaaday’e

Habeen iyo Dharar wakaa Waan Hun Dhudhayaaye

Maxaan Soomaaliyay Haleyay oo la igu Hayb Xoori??/



Duniyo waxay tixdaas tirinaysay iyada oo ay ilmado kaqubanayso wallaac iyo walbaharana ay oogu soo hooreen sidii miilaale roob iyo mayay subaxeed waxayna go,aansatay in ay Soo Bandhigto Jacaylkeeda una Sheegto Biishaar  wax waliba ha dhacaane.



Duniyo waxaa ku ad kaatay qaabkay oogu sheegi lahayd Jacaylkeeda Bishaar meeshay kula kulmi lahayd iyada oo indhaha meer meerinaysa ayay soo xasuustay in ay Habeenka Soo Socda Jiri Doonto Ciyaar Dhaqameedka La dheele xiliyada ay Beeruhu Soo go’aan iyo Saban Barwaaqaadka.



Dadka Xoola Dhaqatada iyo Beeralayda ah ayaa waxay xiliyada tigaada ee ay Roobabku Da’aan Beeruhuna Baxaan waxay Ciyaaran Ciyaaro Hida Dhaqameed ah waxaana kamid ah Ciyaarta oogu Caansan ee Dhaantada.



Duniyo Waxay soo Xaraysay Adhigii iyada oo Talabaada la qaadi la’ laxow jacayl waxayna isu Diyaarisay in ay Caawa Dhanatada aado Duniyo waxay Beer Beer ula Jiiftaa Jacaylkii xanuunka badnaa waxayna sugaysaa Dhawaqa Koobaad ee Dhanatada inta uu kayeedhayo.



Duniyo oo Dabalanaysao Mowjado iyo Hirar Kal Gacayl iyo jacayl Tol-la’aan ah ayaa waxay maqashay Eray Bixintii oogu  Horaysay ee Dhaantada taas oo ahayd:”iyada badan toontee marka hore Boodh haduu lo halaale”:

Duniyo waxay soo laad laadisay gabaheedii qaraafiicda aha waxayna soogadhay goobtii ciyaarta oo raga iyo dumarku ay jabinhayaan guuxa iyo riigada kabixina ay tahay mid aan cadi ahayn .



Diniyo ciyarta way taqanaa waliba waxay kamid ahayd gabdhaha hal abuurka leh ,reen iyo guux Badan  kadib waxaa dhamaatay ciyaartii waxayna dhalinyaradii midwaliba baacsaday gabadh si u la hasaawo Balse  waligeed Duniyo lama baaCsan oo waa laga faani jiray racideeda .

Duniyo waccad ayaa uyaalay in ay usheegato Bishaar Jacaylkeeda waxay u suul dhabalaysay Bishaar oo darafta ahysta gabdhkale Bishaar laftiisa habeenkaas waa lahayay oo Aad ayuu ula ildaraa jacaylka duniyo wuuna kusoo dhaqaay waxana Dhaxmartay Sheekadan.

Bishaar” Seetahay Huno?

Duniyo” waan wacanahay huuno Lakiin caawa Dan yar ayaan Kaa leeyahay ee ina keen bal aan Juuqadaas Tagnee!!



Duniyo iyo Bishaar way israaceen waxayna Hoos istaageen Geed Bishaar oo Neeftuuraya oo uu wadno Garacmayo ayaa ku yidhi Duniyo  een een Wayadan ismaynaan arage Seetahay Huuno??



Duniyo waxay Abaartay Qasadkeedii iyo u jeedkii ay Meesha u timid waxayna Bilowday Sheekadan waxayna Tiri “ Bishaar walaal waan ogahay waana lasocda Heerka uu Marayo Yasitaanka iyo Bahdilida ay igu Haysto Bulshada Soomaaliyeed.

Lakiin waxaa la yidhi nin dan leh madaalo ee aniga oo is og waxaan ahay aaminsana in aan ahay Gabadh Soomaaliyeed oo aan il iyo ooftoona la’ayn ahna Gabadh Muslimad ah waxaan Go’aansaday in aan kuu sheegto Jacayl aan kuu qabo.



Haa walaal waan ogahay in aad baciidsanayso seey gabadh gabooye ah kuu jeclaan lakliin meel ay diinta islaamka kaga qorantahay qofka islaamka ah ayaa nus ah majirto waxan analgu hayana waa dhaqan been abuur ah ee walaal qaado talo iyo go’aan Geesinimo oo igu Garab Gal Jacaylkaan kuu qabo.



Duniyo waay gocotay sababta ay intaas oo dhib ah umarayso ee ay bulshadu u faquqayso iyada oo hadalka wada ayayna ilamadu soo dhaaftay tidhina” Bishaar waan ogsoonahay majirto wax danbi ah oo aan galay kali ah waxa nalagu hayb soocayo waa dhaqan mal awaal ah  Waxayna Bilowday Duniyo in ay is ciil kaambido oo ay ilmayso”.





Bishaar waxa uu ahaa nin aad u Beer nugul waxana taas u weheilinayay Jacaylka uu u qabo Duniyo waxaana kadis ku noqotay oo uu qaadan wayay jacaylkii kaligii gubayay sida uu garab u helay waxana labadiisa indhood kasoo hoobtay ilin ay Rajjo la’aani ku dheehantahay.



Waxa uu cuskaday laan garabkiisa ah waxa uuna ku yidhi Duniyo Walaal Waad ogtahay in uu I dhalay nin Ugaas ah oo aan kasoo jeedo beel dhaqanka ixtiramta wax waliba oo aan anigu samayn lahaaba waxaa hor istagaya waalid kay iyo ehelkay.



Waa dhibaato walaal waan ku ogsoonahay in aad tahay gabadh Soomaaliyeed oo waliba alle ku manaystay qurux iyo qiimo lakiin in aan kula aqal galo iska daaye in aan kula sheekaysto hadii uu aabahay maqlo geeri dhankeeda ayuu xigaa waa uuna ooyay Bishaar oo ilin ayaa kasoo hoobtay.



Duniyo iyo Bishaar ayaaa mid waliba gees u ooyay in muddo ah markay ilin iyo ciil gaanbi ooyayeen ayay wada gar waaqsadeen in aysan jirin meel ay kamaryaaan dhaqanka Xaaranta ah ee bulshada Soomaaliyeed qaar kood lagu faquuqayo waxa uuna mid waliba u dhaqaaqay isaga oo ilmaynay dhanka gurigoodii.

Duniyo iyo Bishaar waxa uu habeen kaas u ahaa habeen  baas midwalibana wax uu goco nayay uur kutalo iyo naxdin aad uxanuun badan labadoodiiba waxa ubaryay waa aanan waligood ubaryin mid walibana waxa uu habeenkii oodhan kudul ooyayay barkintii ay ku wal bahaar jifeen.

Duniyo Barkintay kujiiftay waxaa qooysay ilmadii halka uu bisharna sidaa si lamid uu isna qooyay Barkiintii  labadoodii indhood wayd wada guduuteen mid walibana afkiisii wuu qalalay dhafooradoodana  waxaa kaqotamay xidido dheer dheer ood moodo in ay kuyaalaan nin dhiig islaan qaba aha ā??ar dhaqanka soomaliyeed aa yaa meelaha qaarkood kii soo saaray aduunka kucadaabaā?.!!!!



Ugaas Fax waxa uu kawar helay in ay habeen wada kulmeen Bishaar iyo duniyo waxa uuna uyeedhay Wiilkiisa  isaga oo mayti Naaraya  oo kuleh “duliyaho kaalay meel uun iidhaaf oo iga qari arragaaga aad ogutagtay inanta midgaanta aha!!!

Waryaa Mawxaad Doonaysaa in la idhaho Wiilkii ugaaska ayaa gabadh midgaaan ah lasheekaysta? oo mawaxaad doonaysaa in aan awoow unoqdo caruur ay hoyadood mid Gaantahay?

Soo bax waan kumatatarin oo waan iskaa Dhaafine Tallaahi in aadan Gayiga ila joogayn duliyaho aan dulikale jirin!!



Bishaar waxa uu ahaa nin waalidkii tixgaliya diintana wax kayaqaana waxa uuna kuyidhi aabihii?aabe diinta islaamka meela ka gamajirto wax ladhaho midgaan lamana ogalo in dadka muslimiinta aha la quudhsado ee illahay unoqo aabee’

Ugaas farax talo ayaa kucadatay oo waxa uu lahaa wiilkaga waxa lagu sheegi waa been oo wuu inkiri doonaa hasa ahatee waa uu kudhirayday Ugaas Fara  waxa uu soqatay hankoolkiisi laqotomay khayrdarida markaas ayuu dhowr jeer feedhaha kaga gujiyay wiilkiisi sharaftalaa isaga ooleh wallee aniga ima ceebaysid waad geeriyoon moyeene.

Duniyo  way maqashaa waxa kala Dhaxmarahaya Bishaar iyo aabihii madadam ay ahaayeen Daris Tallo way cakirantahay magaladii buun dacayada aha ayaa laga afuufay duniyo iyo bishaarna jacaylkoodii kor ayuu u istaagay  waxayna kuwada tashadeen in islabaxaan ama isla Rooraan  ooy isla adaan Dhul aan laga aqoon.

Bishaar iyo Duniyo Taladii way isla qaateen waxayna sameeyeeen sidii oo way isla carareen waxayna tageen Magaalo kabaxsan Magaladii ay Joogeen  waxayna kuhagageen oday qaadiga ka ahaa magalada waxayna usheegeen in ay isla soo carareen waloow aysan usheegin siyaabaha dhabta aha ee uu wax ujiro iyaga oo kabaqahayay haday usheegaan in ay gabadhu gabooye tahay in uusan meheriyeen odayga qadiga ka aha mgaalada ma laga citiqaadsanyahay in aysan wiil ajji aha iyo gabadh gabooya ahi isgayin.



Qaadigii ayaa waydiiyay meeshay iskala soo Baxsadeen Duniyo iyo Bishaar sheeko dheer ka dibna waa la isku Mahariyay oo way Waxay Ku Guri Galeen Aqal uu lahaa Wiiil uu Dhalay qaadiga Magaalada oo safar ku maqnaa.

Bishaar waxa uu ahaa nin aqonleh islamrkiiba waxa uu macalin kanoqday dugsiga dhexe  ee magaladii ay Tageen waxa uuna Tabcaday xoolo Waxa uuna noqoday Nin hantiile ah .



Reerkii ay kasoo baxsadeen Bishaar iyo Duniyo waa ay ka quusteen Caruurtoodii  oo sanooyin badan ayaa la kala maqnaa is gaadhsiinta hada jirtana ma jirin xiligaas oo dadku way kala xidhnaayeen.



Magaaladii uu UGaaska ahaa Ugaas Farax waxaa ku dhacday Abaar waxayna u Raashin Doonteen Magaaladii ay Joogeen Bishaar iyo Duniyo Ugaas Faarax oo Gadhkii Casaan Jiray Ciradu Wada caday oo aan la Cilaan lamarinin Bilooyin kana muuqato Raadka Abaarta iyo Dhibka Ree Miyinimada ayaa Soo Galay Hotel uu Leeyahay Bishaar.



Ugaas Faarax oo Haraad iyo Daal kabaha qaadi la’ ayaa Dalbaday in meel Ladajiiyo lana siiyo baad iyo biyo Waxaana si kadis ah ku arkay Wiilkiisii Salaan iyo Bariidin Kadib waxa uu u siiqaaday Gurigii ay Jogtay Duniyo .

Bihsaar iyo Ugaas Faarax oo Guudka Kaciroobay Bakoorad Dhowr  iyo Kildhi laad laadinaya ayaa irida Kagalay Guriigii Kadiba waxa uu arkay Ugaas Faarax 6 Cunug oo isugu jira Gabdho iyo wiilal oo ay Dhashay Duniyo kaidbna waxa uu yaqiinsaday in dhaqanka Soomaalida eek u dhisan Beenta iyo Faquuqa Bulshada Soomaaliyeed Yahay mid waxba kama jiraan ah.

Waxa uuna ugaas Faarax balan qaaday in uu ka cidhib Tiriayo Dhaqankaas guracan Degaanka uu ka ararimoyo waxaana saas ku beenowday Sheekadii khiyaaliga ahayd ee ay Soomaalidu ka aaminsantahay in aysan Wiil Ajji  ah iyo Gabadh Gabooye ah isu Dhalin

W/Q Abdirashid Abdullahi Ahmed (Dhanane)

email Dhanaane22@hotmail.com

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sheeko Jacayl Tii oogu Xanuunka Badnayd: Godobtii Loogaystay Gabooye(Hadad Beer Jilicsantahay Ha isku Akhrin)
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-18T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sheeko Jacayl Tii oogu Xanuunka Badnayd: Godobtii Loogaystay Gabooye(Hadad Beer Jilicsantahay Ha isku Akhrin)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:30 PM and have 0 comments