SHAKI LAGA MUUJINAAYO IN MAANTA KISMAAYO UU KA FURMO SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARAN

SHAKI LAGA MUUJINAAYO IN MAANTA KISMAAYO UU KA FURMO SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARAN


ADVERTISEMENTS
Waxaa shaki laga muujinayaa in maanta Magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu madalsanaa maanta oo Isniin ah inuu ka furmo Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Faarax Darwiish, ayaa shaki geliyay in si rasmi ah maanta uu shirka u furmaayo, maadaama sida uu sheegay Madaxdii dalka ugu sareysay weli aysan gaarin Magaalada Kismaayo.

Darwiish oo aanan si rasmi ah u kala cadeyn in shirka uu si toos ah u baaqday iyo in kale, ayaa muujiyay dareen ah in suuragal ay tahay in Shirka uu baaqdo.

Sababta waxa uu ku sheegay madaxda dalka oo waayahan Safaro shaqo ah ugu maqnaa magaalada Boosaaso iyo Gobolada Dhexe inay daalan yihiin oo ay suuragal tahay in Shirka sidaasi uu ku baaqdo.

Magaalada Kismaayo waxaa jooga Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira, sida Galmudug, Puntland iyo madax ka socota Dowladda Ethiopia iyo Beesha caalamka.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: SHAKI LAGA MUUJINAAYO IN MAANTA KISMAAYO UU KA FURMO SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARAN
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-12T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SHAKI LAGA MUUJINAAYO IN MAANTA KISMAAYO UU KA FURMO SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARAN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments