SHABAAB OO HANJABAAD HAWADA U MARIYAY DADKA LA SHAQEEYA DOWLADDA SOMALIYA

SHABAAB OO HANJABAAD HAWADA U MARIYAY DADKA LA SHAQEEYA DOWLADDA SOMALIYA


ADVERTISEMENTS
Ururka Al Shabaab ayaa weli hanjabaad u diraya dadka u shaqeeya Dowladda Federalka Somaliya oo ay ugu hanjabayaan inay ku beegsanayaan meel waliba oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Hadalkaan Hanjabaada ah wuxuu ka soo baxay Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo Shabaabka u ugu magacaaban Gobolka Banaadir, waxaana uu wacad ku maray inaysan cafin doonin xubnaha Dowladda la shaqeeya.

Sheekh Cali Jabal waxa uu sheegay Madaxda Dowladda inay ku dhuunteen Xeryo ciidan, balse Magaalada gudaheeda ay maraan Dad uu ku tilmaamay Jawaasiis iyo xubnaha kale ee Dowladda Somaliya la shaqeeya.

“Magaalada Muqdisho waxaa ka socda Hardan u dhaxeeya Islaamka iyo gaalada, habeen iyo Maalin waa ay socdaan howlgalada ay Mujaahidiinta ka sameynayaan Magaalada Muqdisho ee cadoowga lagu beegsanaayo, Madaxdii Xeryaha ayeey ku xaroodeen, waxaa Magaalada wareegaya ciidan iyo Jawaasiis, Mujaahidiintana waxa ay go’aan ku gaareen inay beegsanayaan cid waliba oo gacmo u ah cadoowga ama miino aan la beegsano ama si kale aan ku dilno.” Ayuu yiri Sheekh Cali Jabal oo la hadlay Idaacada Al Furqaan.

Dadka Dowladda Somaliya la shaqeeyay ayaanan dhag jalaq u siinin hanjabaadaha kaga yimaada Shabaabka, maadaama ammaanka Magaalada ay gacanta ku hayso Dowladda, balse ay xilliyada qaar dhacaan dilal qorsheysan oo Shabaabka ay fuliyaan. 




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: SHABAAB OO HANJABAAD HAWADA U MARIYAY DADKA LA SHAQEEYA DOWLADDA SOMALIYA
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-07T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SHABAAB OO HANJABAAD HAWADA U MARIYAY DADKA LA SHAQEEYA DOWLADDA SOMALIYA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:30 PM and have 0 comments