QISO YAR OO CAJIIB AH. Waxey ahayd Gabadh Lugaha Naafo ka ah

QISO YAR OO CAJIIB AH. Waxey ahayd Gabadh Lugaha Naafo ka ah


ADVERTISEMENTS
QISO YAR OO CAJIIB AH.
Waxey ahayd Gabadh Lugaha Naafo ka ah, socodna aan Awoodin, Wiil Deriskeeda ah ayaa Gabadhii Dabeecad iyo Dhaqan wanaag ku jeclaaday, inuu Guursadana ka codsaday. Gabadhii markey Farxadaa Hooyadeed u sheegtay ayey Hooyadeed ilmaysay waayo horaa Hooyada loogu sheegay in Gabadhani Madhaleys ahaan doonto weligeed. Markaas ayaa Hooyadii tiri waa Khasab inaad Wiilkaan Guur doonka ah u sheegto inaadan Dhalaynin ilmo.
Gabadhii ayaa tiri:- Hooyo Habeen walba markaan Tukado ayaan ilaahay ka baryi doonaa inaan Hooyo noqdo. Hooyadii ayaa ugu jawaabtey:- Hooyo maxaad saadaal iyo mala awaal isugu Maaweelineysaa Dhakhaatiirtii oo dhan waxey isku Raaceen inaad Madhalays ahaan doonto weligaa, Runta u sheeg Wiilka waxbana haka qarin.
Gabadhii wey yeeshay Talada Hooyadeed, waxeyna Wiilkii u sheegtay in Madhalaysnimo u Dheer tahay Naafanimada. balse Wiilkii wuxuu ku Adkaystay inuu Guursado xataa haddey Madhalays Naafa ah tahay, sidaas ayuuna Ninkeedii ku noqday.
Halkaas ayey Gabadhii Habeen walba markey Tukato ku Ducaysan jirtay "Eebow waxaad iga qaaday Nimcadii Socodka ee Nimcada Hooyanimada ha ii Diidin".. ducadaan ayey 12 sano ku Duceysaneysay, kamana aysan daalin, Ilaaheyna wuu u Aqbalay Ducadeedii Gabar iyo Wiil Mataano ah ayuuna ku Arzaaqay. sidaas ayeyna Farxad iyo Hooyanimo ku heshay.
waligaa haka daalin ducada rabigaa maalin uunbad arki doonta iyadoo laguu aqbalay, ilaahay haynaga dhigo kuwo an ducada ka daalin ilaahayna ka aqbalo. amiiin
share dheh oo gaarsi asxaabtaada oo dhan ajar iyo xasanad Alle haka siyo Allahumma amiin



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: QISO YAR OO CAJIIB AH. Waxey ahayd Gabadh Lugaha Naafo ka ah
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-22T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
QISO YAR OO CAJIIB AH. Waxey ahayd Gabadh Lugaha Naafo ka ah



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:30 PM and have 0 comments