qaaditaanka masuuliyadda iyo hoggaan qabashada.

qaaditaanka masuuliyadda iyo hoggaan qabashada.


ADVERTISEMENTS
Tisy wuxu leeyahay: Ilmuhu dunidani wuxu yimaaddaa isaga oo aan wax fikir ah ka qabin naftiisa, oo fikrad kasta iyoasal shucuur kasta oo aynaan wadanin waxaynu ka soo qaadanaa cidda inagu xeersan. Waxana suuro gal ah inu ilmuhu u dhaqaaqo jiho kasta marka lagu saleeyo hadba inta uu kala kulmayo cidda ku xeeran. Ilmuhu wuxu dhashaa isaga oo baahi u qaba jacaylka iyo taabashada, ilmuhu waa shucuur uun, giddigiisuba waa lahasho.  Wuxuna ula kulmaa shucuurtaasi hadba sida ay labada waalid u siiyaan. Wuxu baranayaa in la jecelyahay , amma uu faraxsanaado marka loo eego hadba sida ay waalidkii ula dhaqmayaan. Iyaga ayuu dhammaantiisba ku tiirsan yahay quudinta oo keli ah iyada oo aanay ahayn, laakin ma awoodo inu noolaado jacayl iyo taabasho la’aantii. Daraasad la sameeyey ayaa sugaysa in 90% ubadada aan la kulmin taabasho iyo kalgacal ay dhinteen. Waxa dumay jidhkoogii waanay dhinteen, sidaasi oo ay tahay haddana quudintoodu way fiicnayd. Qadarinta iyo taabashada ubadku waa sida biyuhu ubaxa ku yihiin.


Sannadada hore ee noqolosha qofka ayaa aasaas u noqonaysa waxanu raadkiisu soconayaa inta uu noolyahay oo dhan, mudadaasi aasasiga noloshiisa ah ilmuhu wuxu u baahan yahay jacayl aan joogsanaynin oo lagu maansheeyo. Haddii uu taasi waayo waxa la barbaaraysa dhantaalnaan nafsaani ah, oo mudada noloshiisana wuxu isku deyeyaa inu dhantaalnaanta iska fujiyo halkii uu awoodihiisa ka isticmaali lahaa.
Waxa jira laba xaqiiqo oo muhiim u ah ilamaha:
1.       Ilme kastaa cabsi la’aan ayuu dhashaa, cabsiba agtiisa ma taallo illaa wax ku dhaca amma codadka aadka u sarreeya ahayn, noocyada kale ee cabsida wuxu iska dhigaa meel, waxan cabsi la’aanta ilmaha muujinaya haddaladiisa: waan qaban karaa ah. Wuxu ku kalsoon yahay inu awoodo wax kasta. Deedna cabsida oo dhami waxay ku soo baxdaa noloshiisa dambe.
2.       wuxu ilmuhu doonaa in aan la qasbin. Wuxu yidhaahdaa: maxaanan wax u qaban karaynin? Deedna waalidkii ayaa baraya: ha samaynin sidaasi, ha samaynin sidaasi,waxana ina soo mara inaga oo waawayn xaalado inagu celinaya dabeecadeenii, xaaladii aynu ku jirnay bilaa hoggaanka. Laakiin ilmuhu wuxu xaalladiisa dabiiciga ah ka dib bilaabaa inu ku daydo mid labadiisa waallid ka mid ah. Wuxu isku xidhayaa caadooyinkooga: caadada ah in xilli hore la toosiyo amma xilli dambe, qaabka hadalka, intaa uu ahmiyad siinayo nidaamka, xaddiga uu codka kor u qaadayo. Marka ilmaha loo eego labada waalid waxay la yihiin kuwo muqadis ah oo bini aadamka ka sarreeya.
Halkaasi waxa imanaysa mabda’ kale oo fahamkiisa ah. Wuxu ka fogaanayaa wax aan farxad gelinaynin , wuxu ka fogaanayaa shayga argagaxa ku ah amma xanuunka ku haya wuxuna u diga roganayaa wixii farax gelinaya amma aan ka argagixinaynin. Haddii uu dareemo ilmuhu in labadiisa waallid ka mamnuuceen jacaylkii ay siinayeen waa shay dhib ku noqonaya. Sidaasi ayuu ilmuhu diyaar ugu ahaanayaa wax kasta inu qabto oo ay amraan ilaa inta uu iyaga raalli gelinayo. Halkaasina waxa agtisaa ka asaasmaysa inu cabsoodo in uu ka cabsoodo in uu waayo jacaylkooga. wuxu bilaabayaa inu ka cabsoodo in la cafin waayo haddii uu si khalad ah u dhaqmo. Waalidkana waxa farax gelinaya in ay u adeegsadaan ka mamnuucidda jacaylka hub ahaan. Waa hub wax ku ool ah runtii, wuxu u xaqiijinayaa inu daacad u yahay iyaga ilmuhu, nasiib darrose muddo ka bacdi waxa ilmaha ku abuurmaya nuqsaan nafsaani ah oo uu isku deyayo inu bandhigo.
Da’da (2 – 2.5) jirka ilmuhu wuxu habdhaqanka liita ee loo adeegsadaa noqonayaa mid naftiisa murug gelinaya.  Haddii ay labada waallid qaab kakan ula dhaqmaan waxa mawqifka ilmuhu noqonayaa inu yidhaahdo: ma karayo, wuxu waayayaa xilligaasi kalsoonida uu ku qabo inu guulaysan doono, ilmaha waxa ku duugan hammiga ah inu wax baadho, oo marka ay waalidkii ka xakamaynayaa markasta oo uu doono inu shay tijaabiyo aan loo bogaynin neeftiisa ayaa degdegta wadnihiisuna garaac wayn ayuu yeeshaa dhuuntiisuna inta ay qallasho ayaa suuxdini haleeshaa. Kaasi oo dhani waa fikir aan caqli ku salaysnayn oo ku hagaya: anigu ma awoodayo. Caadadaasi aynu ku magacawnay mamnuucidda muuqata ee kakan waxay waxay horjoogsanaysaa awooddiisa, waxanay u diidaysaa inu qofku hourmariyo naftiisa. Waxaasi oo dhana waxay u noqonayaan wixii uu ka maqlayay waalidkiis: ha samayn, ha samayn…… waxa caqligiisu ku cudur daaranayaa in aanu awoodaynin.
waxase laga yaabaa in heleyo aragti kale oo aan diidmo kakan ahayn, waana aragtida isku dhul dhigista iyo ruduukh. Aragtidaasina qofku wuxu odhanayaa: waa in aan qabtaa, sababta muujintaasina waxay tahay in waalidku ku xidhayo amma shardinayo ilmaha ilaa uu heleyo jacayl ah inu isdhuldhigi karo oo radkhi la iman karayo. Jacaylku wuxu noqdaa hab lagu gaadho amma lagu qasbo qabashada shay. Taasina macnaheedu waxa weeyi in qiimeba aanu lahayn ilmaha naftiisu, qiimahiisu aanu ahayn mid xaqiia ah, qiimihiisu wuxu ku xidhan yahay hadba inta uu qadariyo kuwa kale. Intaa dabadeedna wuxu noqonayaa mid xasaasi ka noqda waxa ay kuwa kale ka sheegayaan isaga iyo sida ay u arkayaan, waxa halkaasina ka soo baxaysa aragtida ah: waa in aan sameeyaa.
Labadaasi aragtiyood ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee sabaya ikhfaaqa nolosha xilliga hore: aragtida mancinta kakan, iyo tani naxariista wadata. Naqdinta liita ee kaka ee ilmaha yaraantiisa raadeeyaa wuxu dhibaa uun mustaqbalka ma hagayo ilamaha mana soo afjaraya caada khaldan, waxanay soo saaraysaa natiijooyin burbur dhalinaya.
Side ayaynu u baabiin karnaa caadooyinka kakan marka aynu waynaano kadib? Wuxu inoo sheegayaa tusaale ahaa laba caado oo kakan: caadada mamnuucidda kakan “ma karayo”, iyo caadada shucuurta khuduuca, qasabka iyo qasri “ waa in aan sameeyo”. Side ayaynu uga takhalusi karaynaa cadadaasi?
Asaaska kowaad: wuxu soo koobayaa uun kalsoonida nafta, waxa qasab ah in aan ku celceliyo naftayda: anigu waan ku kalsoonahay naftayda. Waxaynu ka fikiraynaa caqliga, caqligaasina wuxu falnqeeyaa macluumaadka waanu qaabilaa amma diidaa, caqliga hoosena wuxu qaabilaa waxa uu qaabilo intelligence gu wuxuna ku shaqeeyaa waxa uu ku waajibiyo. Wax kasta oo aad si joogto ah uga fikirtaa wuxu ka mid noqonayaa qayb caqligaaga ka mid ah iyo habdhaqankaaga. Sidaasi ayay suuro gal u noqonaysaa in aan ka fikirsiiyo caqliga intelligence ga ah in aan awoodayo shay. Joogto ayaan u fikirayaa oo xoog badan, wixii ka dambeeyana caqligayga hoose ayaa baranaya kaasi aan ka fikirayo.
Caqliga hoose waa ka aan lahashada ku shaqaynine wuxu kaydiyaa macluumaadka, oo wax kasta oo I soo mara oo khayr ah wuxu ka yeelayaa mid waafaqaya sida aan naftayda u arkayo amma isku arkayo (waxa aan iska fahansanahay anigu). Sidaasi darted waa in aan joogteeyo fikirkayga eek u salaysan dhinaca wanaagsan ee naftayda aan ka arkayo. Fikradda ugu muhiimsan ee aan caqligayga si joogto ah u gelin karayaana waa: raalli ayaan ka ahay naftayda (waan isku kalsoonahay) waxanan hubaa in aan istaahilo wax wanaagsan, waan ku cel celinayaa taasi ilaa inta uu caqligayga hoose gaadhayo.
Asaaska labaad ee ugu wayn camal lagu guulaystaa waa: in aan ka takhaluso xadhkaha iyo silsiladaha dib u jiidaya naftaa ilaa dib udhac ku yimaado. Mabada’a lagaga takhalusayaana waa masuuliyadda. Da’da 18 jirka ah waxa qofka ku waajib ah inu naftiisa masuul ka ahaado qiyaasta lagu eegayaana waa masuuliyadaasi sida uu qaabilo. Inbadan oo dadka ka mid ahi arrinkaasi maba oga deedna cudur daar ayay la imanayaan, mas’uuliyadda naftayda macnaheegu waxa weeyi in aan aqbalayo mas’uul in aan ahay an ku guulaysto amma yaanan ku guulaysanin e.
Dhinacyo badan marka laga eego noloshani hadda aynu noolnahay waxay inagu dhiirri gelinaysaa masuuliyad darada. In badan waxaynu xukuumadda ka filanaa inay wax inoo qabato, sidaasi oo kale ayuu dambiiluhuna maxkamadda uga sheegaa: in carruurnimadiisii aanu daryeel helin ku filan deedna dambiga sidaasi ku kelliftay, wuxu dalbanayaa in loo naxariisto oo aanu masuuliyadba qaadi Karin, dhinaca caafimaadkana waxaynu diktoorka ka dalbanaa inu wax kasta isagu qabto mana muujinno masuuliyadeena.
Ma aha in aad masuuliyadda si hummaag ahaan uun u qaaddo mararka qaarkood, waxa inagu waajib ah in aan 100% xambaaro masuuliyadda wax kasta oo aan qabanayoba iyo wax kasta oo ujeedadaydu tahayba. Run ahaantiina arrimaheena inaga ayaa ka masuul ah aynu aqoonsanaano sidaasi amma yaynaan aqoonsanaanin e.
Haddii aynu isku waafaqno qaaditaanka mas’uuliyadda waxaynu hantiyaynaa sugidda, jihaynta, iyo xamaynta nolosheena.
Waxaynu soo gaadhnay qodob muhiim ah, in waxa ku hagaya masuuliyadda qiyaasta ugu sarraysa ayaa ah dareenkeena amma lahashadeena wanaagsan, ka kale ee ku hagaya masuuliyadda qaab liitaa wuxu yahay dareenka amma lahashada kakan. lahashada kakanina waa in aad dareento dembi amma canaan, cabsi, shiki, xasad iyo kuwa la hal maala. Lahashooyinkaasi kakan oo dhamina waxay kugu celinaysaa uun talaxgab amma diciifin uun. Talaxgabku wuxu u gudbi karayaana dibbadda amma gudahaaga uun buu ku meeraysanayaa. Waxa jira hadallo fara badan oo aan faa’iido lahayn kuwaasi oo ah baahida loo qabo cadhada iyo in la cabbiro amma la muujiyo cadhada, taasi waxa daliil kaaga filan in aanay cadhadu caafimaadba ahayn waxana muhiim ah in aad ilaaliso jidhkaaga iyo maankaagaba xilliga aad cadhoonayso, waxad dareemaysaa in caqligaaga daruuri hadhaysay oo aanad awoodi karaynin inad fikirto xilliga aad cadhoonayso. Sidaasi oo kale ayaa jidhkana isbeddel ugu dhacayaa: cadaadiska dhiiga oo kordha, garaaca wadnaha oo degdega, dheefshiidka oo kordha….
Shucuur kasta oo kakaniba gudaheena ayay ka soo burqataa, waa itaal darro oo awood ma dhalinayso, caadifad amma lasho wanaagsana maba aha. Xalka wanaagsanina waa in aan kaga takhalusnaa. Waa in aynu joojinaa quudashada geedka lahashada iyo shucuurta kakan si aynu uga dhex baxno. Waxa laga quutaa geedka shucuurta kakan laba dheefood: ta hore: Beri eyelid. Waxaynu barraxnaa nafteena in aynu xaq u leenahay in la ina raalli geliyo xilliga uu qof inagu gafo amma inna dulmiyo. Waa in aynu iska siibnaa fikirkaasi waayo wuu khaldan yahay. Ta labaana: waa in aan cabbirno waxa nafteena dhibaato ku haya: waa iyada oo aan u qaadano wa………
Habka ugu degdega badan ee aan ku jari karayno geedka shucuurta kakani waa in aan joojino canaanta, in aynaan cidna canaanan weligeen. Caqliga waxa ku ballaadha uun fikir keli ah, haddii aynu cannaanta joojinona caqligu masuuliyadda ayuu qaabilayaa. Fikradda odhanaysa anigu masuul ayaan ahay waxa qiimaheegu u dhigmaa tani ah naftayda ayaan raalli ka ahay amma ku kalsoonahay. Laakiin taasi xaqiijinteeda amma fulinteeda ayaa ah mid adag. Markii ugu horraysay ee aan idhaahdo masuul ayaan noqonayaa canaantana dhinac ayaan iska dhigayaa afkayga ayaa diidanaa inan ku dhawaaqo, laakiin muddo fara badan ka bacdi caqligaygii waxa ku duxay inu masuuliyadda aqbalo. U fiirso qofka leh: masuul ayaan ahay wuxu isku deyeyaa inu arrin xalliyo, kani kale ee diidanba masuuliyaduna dhinac kale ayuu canaan la joogaa sidaasi ayaanu ahaanayaa ilaa biliba bil u dhiibto sannadna sannadka kale, mushkiladiina sidii ay ahayd ayuu kaga tegeyaa.
Ma bilaabi karno in aynu nolosheena xakamayno ilaa aan meesha ka saarno shucuurtaasi kakan. Waa sida biriiga gaadhiga joojinaya oo kale, xalka bilowgiisuna waxa weeyi inu qofku qiro inu yidhaahdo: masuul ayaan ahay.
Waxaynu is weydiinaynaa halkee ayay ka timaadaa shucuurteenani kakan ee shakiga, cadhada, cabsida, dembi la dareemo ay ka midka yihiin. Lama soo dhalano, laakiinse waxa la kortaa uun naqdinta liidata wixii ka horreeya 6 jirka. Sidaasi darted ayaa shucuurta kakan waxa asaasaas u noqda ilmaha oo laga mamnuuco jacaylkii waalidka. Waxana jira saddex shardi oo jacaylkaasi heli karayo:
1.       Ha ku dhalleecayn naftaada. Ha ku odhan naftaada waxba ilaa haddii aad rabto mooyaane inad fuliso shaygaasi. Haddii uu qof isku dayo inu qaab daran kuu canaanto adiga oo degan oo muusoonaya ku dheh: max waxa aad iga rabtaa inan dareemo inan gafay. Sidaasi uun ku dheh markasta oo uu qaabkaasi kuu canaanto.
2.       Cidna ha canaananin: weligaa qofna ha canaanin. Haddii uu qof u canaanto dadka kale khalad uu isagu galay sababtii adigu masuuliyadda qaado. Kaasina wuxu ina xasuusinaya qaanuunka saamaxaadda.
3.       Qaanuunka saamaxaadda: shakhsiyadda wanaagsan ee ku raaxaysata caafimaadka nafsaaniga ahi waa ta wax saamaxda. Dadka badhkood waxay muddo badan xambaarsanaadaan cuqdad iyadoo arrinka ay ka cuqdadaysan yihiin mid fududba iska yahay. Naftu marnaba kama xoroobi karto guntimaha ku xidhan kamana xoroobi karto cidhiidhiga haddii anay saamaxaad ku dhaqmin.

Qofka ugu horreeya ee aad saamaxaysaana waa waalidkaa. Waxan ku aragnaa dadka badidoodu inay waalidka ugu cadhoodaan shay ay u samayn waayeen amma wax ay u diideen, sababtu waxa ay tahay inaga oo carruurnimadeenii u arkaynay waalka shay muqadas ah oo bini aadamkaba ka sarreeya. Deedna uma qaadan karno inay yihiinba bini aadmi dhoobo laga abuuray oo ay khalad geli karayaan, oo uu ka soo fuli karayo go’aan qallafsan amma khaladba ku dheehan yahay, sidaasi ayay dadka badhkood ugu adkaanaysaa inay saamaxaan waalidkood. Waa in aan 100% saamaxnaa, horumar buuxa gaadhi mayno ilaa aan saamaxno labada waallid mooyee.
Ayaynu saamaxnaa kaddib saamaxaada labada waalid? Bini aadamka oo dhan, qof kasta oo ina daaliyay amma xiijiyey amma ina dhibayba. Si sharaf leh ayaan u saamaxaynaa, inaga ayaa masuuliyaddaasi qaadanayna. In badan oo dadka ahi sannado faro badan ayay noolaadaan iyaga oo xiqdi xambaarsan, halka saamaxaaddu ay tahay muftaaxa caafimaadka nafta laga qiyaas qaato. Saamaxaadana macnaheegu ma aha kalgacal, waxase ay muhiimadu tahay uun in aan saamaxno taasi ayaa muhiim u ah si aan u xaqiijino awoodaheena.
Shakhsiga saddexaad ee aad saamaxaysaana waa adiga, in aad naftaada saamaxdo, ka saamax naaftaada axmaqnimo kasta oo aad kula kacday, akhlaaq xumada aad kula dhaqan tay iyo dembiga aad ka gashay. Naftaada saamax, bini aadmi ayaad tahay kama weynid. Suuro gal ma noqon karto inad horumar samayso adiga oon naftaada saamaxin. Marka aan in badan ka hadlayno khaladaadkeena waxaynu u cudur daaranaynaa in aynaan awoodin in aan hore u socono. Waynu isku rukhsaynaynaa horumar la’aanteena.
Dadka ayaa I waydiinaya: side ayaan masuuliyadda u qaadi karayaa haddii aanan aqbalaynba inan naftayda canaanto? Aragti muhiim ah ayaa jirta waana in aad masuuliyadda u qaaddo adiga oo mustaqbalka eegaya, halka canaantuna ay kugu celinayso wixii ku soo dhaafay.
Haddii aad ku gefto qof bini aadam ah u tag oo ku dheh: waan kugu gafay ee I saamax. Si degan ugu dheh. Maxay dadku u cudur daaran waayaan? Waxay u malaynayaan in cudur daarkuba wax liita ka dhigayo oo khasoobaya.
Fikradda ugu dambaysa qaybtanina waxan leenahay: xilliga aan raadinayno in aan masuuliyad xambaarno oo aan ka takhalusno shucuurta kakan waxa waajib inagu noqonaysa inaan baadhno werwerka iyo murugta, waana arrin ku dhex faafaya dadka dhexdooda. Waa cabsi uu qofku ka baqayo in aanu qaraar iyo go’aanba qaadan karaynin. Marka aynu go’aanka qaadano werwerku wuu hadhayaa, werwerka iyo murugta waxa lagaga dawaysmi karayaa uun iyada oo hawsha loo fuliyo si muuqata oo qadarinteedana wadata. Markasta qofku ma noqon karayo mid doweeya werwerkiisa isaga oo garanaya waxa mururgta ku haya amma sababaya. Haddiise aad awooddo in aad xaddido sababta, murugtuba way iska hadhaysaa. Naftaada waydii mar kasta oo ay wax ku murug geliyaan muxuu yahay shayga ugu xun ee igu dhici karaya marka arrinkani loo eego. Kuna dheh naftaada: haddii ay ila soo dersayso arrin darani waaqica jira ayaan raalli ku noqonayaa, kaasi wuu kuu raaxaynayaa. Dabcana waxad isku deyeysaa in aanay arrin xumiba dhicin muhiimse waxa ah in aad hawlgasho adiga oo caqligaagu degan yahay. Kani ayaa ah dariiqa dad badani ku liibaanayaan si ay uga takhalusaan murugta. Waa in aad aqbasho wax kasta oo mushkilad abuuri karaba oo naftaada su’aasho: ma u tahay diyaar in aad kaga hortagto wax kasta oo suurto gal ah? Go’aanso haa amma maya kahor inta aanad bilaabin camalkaaga. Laakiin haddii aad iska hawl gasho uun aqbal natiijada timaadda adiga oo aan ka noq noqonaynin.
La soco qaybta 2aad iyo qaybta 1aad waan ka xunahay is daba marin ayaa dhacday

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: qaaditaanka masuuliyadda iyo hoggaan qabashada.
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-27T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
qaaditaanka masuuliyadda iyo hoggaan qabashada.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:30 AM and have 0 comments