Oromo camabaareysay dowladda Somaliland

Oromo camabaareysay dowladda Somaliland


ADVERTISEMENTS
Jaaliyadda Oromada ee gobolka Minnesota ee dalka mareykanka ee asalkooda ka soo jeeda dalka Ethiopia ayaa cambaareeyay dadka Oromada ah ee dhawaan laamaha ammaanka Somaliland ay ka raafayeen Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland.


Hoggaamiyeyaasha jaaliyaddani oo shir jaraa'id oo ay arrintaasi uga cabanayeen ku qabtay magaalada Minneapolis ayaa waxa ay ka digeen musaafurinta dadka qowmiyadadasi ee Ethiopia loo musaafurinayo ay keeni karto xasillooni daro ka dhalata Geeska Afrika.

Haddaba shirkaasi jaraa'id kaddib ayuu weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine waxa uu si wada jir ah u waresytay Saamiya Cismaan oo ka mid ah guddiga haga bulshada Oromada, Saabid Yuusuf Hassan oo ah xiriiriyaha bulsha Oramada iyo bulshooyinka kale iyo Mukhtaar Adeero oo ah nin fanaan caana ah, waxa uuna ku hormaray Saamiya oo uu weydiiyay waxa ay ka cabanayaan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Oromo camabaareysay dowladda Somaliland
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-24T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Oromo camabaareysay dowladda Somaliland



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:00 AM and have 0 comments