Nin xaaskiisa laga dalbadey Si ay Rag hortood uga ciyaarto-Muxuu sameeyay Daawo

Nin xaaskiisa laga dalbadey Si ay Rag hortood uga ciyaarto-Muxuu sameeyay Daawo


ADVERTISEMENTS
Xaaskaaga noogu yeedh ha noo ciyaartee…Waa su’aal khaldan baan filayaa
Ka waran hadii uu saaxiibkaa ku idhaahdo sidan:
Na sug, caawa waanu kuu imaanaynaa aniga iyo saaxiibo kale si aanuu kuula soo jeedno balse noo fuli hal shardi oo aad u fudud… Xaaskaagu ha noo jaasto.
Maxaad ku samayn lahad saaxiibkaas???
Anigu waxaan is leeyahay waxaad ku samayn lahad waxyaabahan…
Waad eryi lahayd .. Amba ..Waad dhirbaaxi lahayd kadibna xidhiidhkaad u jari lahad .. Amba Waxaad ku dhufan lahayd wax kaste oo gacantaada soo gala
Saaxiibkani diin ahaan waa dambaabay .. Waa nin xalaashaday wax ka xaaraan ah.. sidaas awgeed waa nin aan midh xishood ah la hadhin, macaasina la soo ban baxay.
Waxaynu isla garanay in aad cadhoon doontid hadii uu qof ku idhaa xaaskaaga ama walaashaa inoogu yeedh ha inoo ciyaartee!!
Saaxiibkaa ayaa inta uu sii dheereeyay tallaabada ku yidhi:
Xaaskaaga dhar cidhiidhi ah oo ku dhaggan usoo xidh, kadibna inoogu yeedh horteena ha ka ciyaarto caawa oo dhane?
Waxaan filayaa inay tani noqon lahayd mid lagu kala guuro.
Waxaan is leeyahay markan ismaad xejin karteen oo waabaad ugu tuuri lahayd!!!
Waxa laga yaabaa inan jawaabta ku talax tagay.
Balse dhabtii Ina ninoow isku day inaad hadalkaygan u fiirsatid, is barbar dhig hadalkan iyo waxa aynu badanaa samayno habeenka arooska!!
Ilaahay ayaan kugu dhaarshee, wax ay ku kala duwan yihiin miyaad aragtaa???
Waa maxay farqiga u dhaxeeya waxan uu saaxiibkaa kaa dalbay iyo habeenka arooska waxa aad samaysid???
Inta aanaad jawaabta ku dagdagin u kaadi wax yar…
Naftaada run u sheeg oo waydii suaalahan….
Miyaad lacag u bixin sidii xaaskaaga loo soo qurxin lahaa, loogu labisi lahaa qaabka ugu dambeeya, loo xidhi lahaa taash cad oo qurux badan oo inta badan jidhkeega muujiya, ama cidhiidhi ha ku ahaado ama laabteedu ha muuqatee.
Kadibna aad is ag fadhiisin si ay saaxiibbadaa, qaraabadaadu iyo dad kaleba u daawadaan???
Miyaad inta aad gacanta qabato ka hor ciyaarin dadkoo idil, iyana aanay kula ciyaarin, ma ciyaarbaa ciyaar ka duwan sow labadiinuba kama hor jaastaan dadka!!!
Allaan kugu dhaarshee, maxaa u dhaxeeya arinkaad saaxiibkaa ku dili gaadhay iyo arinkan.
Mee xishoodkii ina ninoow…. Meeday diintii???
Marka aad xaaskaaga habeenka ugu horeeya ee noloshiina cusub aad u ban dhigayso indhaha dadka
Marka aad soo joodayso ilaa uu waagu ka dullaaco si ay saaxiibada iyo dadka kaleba u daawadaan xaaskaaga oo moodeelkii ugu dambyeeyay ku labisan?
Marka aad ogolaanayso inay ku ciyaarto ama jaasto muusiga, iyada oo ay fiirinayaan indhaha dadka kale???
Marka aad ka dhigayso xijaabkeedii si ay jidhkeeda ugu muujiso indhaha dad ka xaaraan ah..
Meeday diintii…Mee dhaqankii
Kollay waxaad tahay dhalinyaro ama waad soo martay, miyaanaad maqal malinna iyada oo aroos laga dareeray, oo ay dhalintu iskugu sheekaynayaan:
Ma arkaysay aroosada, wax kale ayay ahaydba.
Ma arkaysay aroosada, ala maxay jaaska dhamaysay.
Iyo hadallo badan oo aan ka xishooday inaan soo qoro.
Ma jeceshahay in xaaskaaga sidaas laga sheego.
Mee xishoodkii???
Ma waxaynu u tuurnay sidaynu labiskii quruxda sanaa ee islaamka u tuurnay?
Hadii uu mid inaga mid ahi idhaado aniga xaaskayga waxaan is dhinac fadhiisinayaa iyadoo xijaaban!!!
Waxay jawaabteenu noqonaysaa:
Waar dee hadii aad xijaab usoo xidho cidi kor u eegi mayso!
Midkeenna ma jecla in xaaskiisa ay ku sheekaysato dhallinyartu.
Ma ogtahay hadii aad la sii raacraacdid eegmada qof aan xalaal kuu ahayn inaad ku dambaabayso
Ma xasuusataa hadalkii Nabigeena NNKH ee sidan macnihiisu ahaa (Ha lasii raacraacin eegmada, adigu waxaad leedahay ta koobaad balse wixii intaa ka dambeeyay ma lihid)
Hadii ay ishaadu ku dhacdo gabadh adigoon u jeedin kadibna aad Allah dambi dhaaf waydiisatid waa uu kuu dambi dhaafi Insha Allah.
Hadii aad ku celiso ishaada ama lasii raacraacdid dambigu wuu sii kordhayaa.
Hadii ay gabadhu tahay mid aan labiskii islaamka ku labisnayn dambiga qaybteeda ayay leedahay.
Ilaahbaan kugu dhaarshee bal xisaabi dambiga kuugu sugan inaad xaaskaaga usoo bandhigtid indhaha dadka kale iyada oon labiskii islaamka ku labisnayn.
Maxaad ugu mehersatay jidkii uu inoo jideeyay nabigeenu NNKH, kadibna aad u qabsanaysaa farxad khilaafsan wadadaasi saxda ah.
Maxaad ugu ogolaanaysaa in ay shayaadiintu kasoo qayb galaan arooskaaga, ay kor u qaadaan muusiga kadibna aad ku ciyaarto ikacay dhiiga i kacay, ama dhag dhag dhag wadnahaa i dhagleee.
Waxaan hadalkan walaalladayda raga ah ugu gaar yeelay waayo iyaga ayaa masuul looga dhigay dumarka, sidaa awgeed waxaan naftayda iyo nafihiinaba kula dardaarmayaa dardaarankii nabigeena NNKH:
(Ilaahay kaga cabsada Dumarka).
Ilaahay ka cabsada meelkaste oo aad joogtaan
Iga raali ahaada hadii aan idinku dheereeyay, weedh kasta oo aan qoray waa ay i damqaysay..
Fadlan la wadaag cid kastood jeceshahay, ha ka qadin walaalahaaga muslimiinta ah.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Nin xaaskiisa laga dalbadey Si ay Rag hortood uga ciyaarto-Muxuu sameeyay Daawo
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-13T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Nin xaaskiisa laga dalbadey Si ay Rag hortood uga ciyaarto-Muxuu sameeyay Daawo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:30 PM and have 0 comments