MAXKAMAD 10 SANO KU XUKUNTAY NIN WAALAN, MARKII UU SHEEGTAY INUU KA TIRSAN YAHAY URURKA AL SHABAAB

MAXKAMAD 10 SANO KU XUKUNTAY NIN WAALAN, MARKII UU SHEEGTAY INUU KA TIRSAN YAHAY URURKA AL SHABAAB


ADVERTISEMENTS
Maxkamad ku taala dalka Kenya, ayaa waxay 10 sano oo xarig ah ay ku xukuntay nin madaxa looga jiro, oo sida uu Booliska Kenya u sheegay uu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab.

Isaac Lekishon Taruru, ayaa Booliska u sheegay inuu tagey Magaalo Xeebeedka Mombasa, halkaasoo sida uu sheegay ay Al Shabaab kaga bedeshay magaciisii hore, ayna u bixisay Maxamed.

Sidoo kale waxaa uu Saraakiisha Booliska u sheegay inay jiraan dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ku sugan Magaalada Narok, isla-markaana uu diyaar u yahay inuu farta ku fiiqo.

Maxkamadda Magaalada Narok, ayaa maalintii Jimcaha 10 sano oo xarig ah ku riday ninkaasi, balse waxay Maxkamaddu sheegtay in muddo laba toddobaad ah uu racfaan kaga qaadan karo xukunkaasi.

Saraakiisha Booliska Nairobi ee waaxdooda la dagaalanka argagaxisada, ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ninkaasi uu dib ka beeniyay warbixintii, uu markii hore siiyay siiyay Booliska Narok.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee ka hawlgasha Isbitaalka Mathare oo baaritaano ku sameeyay ninkaasi, ayaa waxay xaqiijiyeen in xanuun xagga madaxa ah uu qabo. Waxayna Maxkamaddu horgeeyeen cadeymo muujinaaya in ninkaasi uu waalan yahay.

Warbaahinta Kenya, ayaa qortay in ninkaasi uu warbixin been abuur ah siiyay Saraakiisha Booliska, taasina ay ka dambeysay xukunka ay Maxkamaddu ku riday.

Xukunka ku dhacay Isaac Lekishon, ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli xasaasi ah. Dadka reer Kenya ayaa dareen wayn ka muujiyay Ciidankii Kenyanka ahaa, ee 15-kii bishan ay Al Shabaab ku dishay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MAXKAMAD 10 SANO KU XUKUNTAY NIN WAALAN, MARKII UU SHEEGTAY INUU KA TIRSAN YAHAY URURKA AL SHABAAB
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-25T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MAXKAMAD 10 SANO KU XUKUNTAY NIN WAALAN, MARKII UU SHEEGTAY INUU KA TIRSAN YAHAY URURKA AL SHABAAB



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments