Madaxweynaha Somalia oo laga sugayo Boosaaso iyo Ammaanka oo si aad ah loo Adkeeyay

Madaxweynaha Somalia oo laga sugayo Boosaaso iyo Ammaanka oo si aad ah loo Adkeeyay


ADVERTISEMENTS
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in  maanta ama bari subax midkood ay soo gaaraan Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari sida ay ku Warrameen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland ee magaalada Bosaaso.

Safarka madaxweynaha ayaa salka ku haya furitaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso oo dayactir iyo balaarin lagu sameeyay, waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu xariga ka jir doono garoonkan cusub.

Sidoo kale waxaa la sugayaa inay soo gaaraan Boosaaso Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Galmudug Khamiista maanta ah, kuwaasoo lagu marti-qaaday ka qayb-galka munaasabada furitaanka garoonka oo la qaban doono maalinta Bari ah.

Shalay waxaa magaalada soo gaaray madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay la socdaan ra’iisul-wasaaraayaashii hore ee Somalia oo kala ah Cali Maxamed Geeddi, C/wali Sh. Axmed iyo inta badan golayaasha dowladda ee Puntland oo u ku jiro gudoomiyaha barlamaanka.

Amaanka magaalada Bosaaso ayaa si weyn loo adkeey, waxaana xalay howl-galo kala duwan fuliyay ciidamo ka tirsan kuwa gobolka Bari, mana jirin cid laga shakiyay oo ilaa iyo hadda ay xireen ciidamada Puntland.

Ugu dambeyn, Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu ka qayb-qaato horumarka Soomaaliya, waana garoonkii ugu horeeyay oo caynkiisa ah oo laga hirgaliyo gudaha gobolka, iyadoo ay adeegsan doonaan duulimaadyo caalami ah sida uu dhawantan sheegay madaxweynaha Puntland.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Madaxweynaha Somalia oo laga sugayo Boosaaso iyo Ammaanka oo si aad ah loo Adkeeyay
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-08T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweynaha Somalia oo laga sugayo Boosaaso iyo Ammaanka oo si aad ah loo Adkeeyay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:30 AM and have 0 comments