MADAXWEYNAHA KENYA OO KU HANJABAY INAY KA AARGUDAN DOONAAN SHABAABKII WEERARAY SALDHIGA CEELCADDE

MADAXWEYNAHA KENYA OO KU HANJABAY INAY KA AARGUDAN DOONAAN SHABAABKII WEERARAY SALDHIGA CEELCADDE


ADVERTISEMENTS
Madaxweynaha dalka Kenya, Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheeegay in ciidammada dalkiisu ay ka aargudan doonaan ciddii ka dambeysey weerarkii lagu qaaday saldhig ay ku lahaayeen gudaha Soomaaliya. 

Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay in weerarrada Al-Shabaab aysan baqdin galin doonin dalkiisa, ciidammadooduna ay kusii nagaan doonaan gudaha Soomaaliya. 

Uhuru Kenyatta ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in weerarka oo lagu qaaday saldhig ay ciidammadoodu ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gado, looga dilay dhowr askari. 

Shabaab ayaa sheegtay inay dileen ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee howlgalka Somaliya u jooga.

Shabaab waxa kale oo ay ku faaneyn inay qabsadeen gaadiid dagaal iyo sidoo kale hub fara badan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MADAXWEYNAHA KENYA OO KU HANJABAY INAY KA AARGUDAN DOONAAN SHABAABKII WEERARAY SALDHIGA CEELCADDE
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-17T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MADAXWEYNAHA KENYA OO KU HANJABAY INAY KA AARGUDAN DOONAAN SHABAABKII WEERARAY SALDHIGA CEELCADDE



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments