MADAXWEYNAHA KENYA OO KU FAANAY IN MILITARIGA KENYA UU DIB U QABSADAY XERADII DEGMADA CEELCADDE

MADAXWEYNAHA KENYA OO KU FAANAY IN MILITARIGA KENYA UU DIB U QABSADAY XERADII DEGMADA CEELCADDE


ADVERTISEMENTS
Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Dowladda Kenya oo khudbad dheer ka jeediyay Telefishinka Qaranka, ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca Kenya, ay maanta si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Madaxweynaha Kenya, ayaa ku faanay in geesiyaasha Kenya ay dib ugu laabteen Xeradii Militariga, ee ay kaga sugnaayeen Degmada Ceelcadde, oo Jimcihii ay ka qabsadeen Xoogaga Al Shabaab.

Madaxweynaha, ayaa waxaa uu ku cago jugleeyay inay ka aargoysan doonaan Xoogaga Ururka Al Shabaab, isla-markaana aanu dhiigga Ciidanka Kenya noqon doonin mid si been been ah lagu daadiyo, sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Kenya ay ka sii mid ahaan doonaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, oo Dowladda Somaliya ka caawinaaya la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale waxa uu ku celceliyay in Ciidanka Kenya ay baaqi ku sii ahaan doonaan dalka Somaliya, illaa iyo inta laga soo gaba gabeenaayo buu yiri argagaxisada Al Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya, ayaan illaa iyo hadda sheegin tirada Ciidanka Militariga Kenya looga dilay weerarka ka dhacay Degmada Ceelcadde.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxay sheegteen in weerarkii Degmada Ceelcadde ay ku dileen in ka badan 100 askari, halka 12 kalana ay nolosha ku qabteen.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MADAXWEYNAHA KENYA OO KU FAANAY IN MILITARIGA KENYA UU DIB U QABSADAY XERADII DEGMADA CEELCADDE
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-20T19:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MADAXWEYNAHA KENYA OO KU FAANAY IN MILITARIGA KENYA UU DIB U QABSADAY XERADII DEGMADA CEELCADDE



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 7:30 PM and have 0 comments