LABO RUUX OO KU GEERIYOOTAY QARAXA KA DHACAY MAQAAYADA KU TAALLO GURIGA HOOYOOYINKA (DAAWO SAWIRADA)

LABO RUUX OO KU GEERIYOOTAY QARAXA KA DHACAY MAQAAYADA KU TAALLO GURIGA HOOYOOYINKA (DAAWO SAWIRADA)


ADVERTISEMENTS
Labo ruux ayaa ku geeriyootay oo uu ka mid yahay ninkii fuliyay weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Maqaayada ku taallo guriga hooyooyinka.

Sida wararka ay sheegayaan Afar ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo isugu jira qaar ka tirsan Shaqaalaha iyo dad ka shaahaayay maqaayada.

Ruuxa Isqarxiyay ayaa inta uusan fulin qaraxa wuxuu fariistay goob ay fadhiyeen Suxufiyiinta,, wuxuuna ku yiri mid ka mid ah Suxufiyiinta iga durug.

Kolkii uu halkaasi fadhiistay ayaa waxaa dareen badan galay Wariyeyaasha, maadaama aysan aqoon badan u laheyn shaqsiga soo dhex galay, waxaana mid ka mid ah Suxufiyiinta oo si gaar ah isha u ga haayay ninkaasi uu arkay isaga oo dhowr taa taabanaya Shaatiga hoostiisa qaybta wadnaha xigta.

Wariyeyaasha oo dareen badan qabay ayaa mar qura ka cararay meesha, waxaana taasi ay keentay ninka waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen inuu isagana ka soo daba cararay Wariyeyaasha, balse meel dhexe uu ku qarxay.

Ciidamada Ammaanka Dowladda qaybahooda kala duwan ayaa ku sugan goobta qaraxa uu ka dhacay oo baaritaano ay ka wadaan, welina kama aysan hadlin Saraakiisha ammaanka Gobolka.









ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: LABO RUUX OO KU GEERIYOOTAY QARAXA KA DHACAY MAQAAYADA KU TAALLO GURIGA HOOYOOYINKA (DAAWO SAWIRADA)
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-02T20:38:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
LABO RUUX OO KU GEERIYOOTAY QARAXA KA DHACAY MAQAAYADA KU TAALLO GURIGA HOOYOOYINKA (DAAWO SAWIRADA)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:38 PM and have 0 comments