KUWAIT OO U YEERTAY SAFIIRKA U FADHIYA DALKA IRAN, SI TALLAABO DIBLOMAASI KAGA QAADO XUKUUMADDA TEHRAN

KUWAIT OO U YEERTAY SAFIIRKA U FADHIYA DALKA IRAN, SI TALLAABO DIBLOMAASI KAGA QAADO XUKUUMADDA TEHRAN


ADVERTISEMENTS
Xukuumadda Kuwait, ayaa waxay u yeertay Safiirkeeda u fadhiya Caasimadda Iran ee Magaalada Tehran, ka dib markii ay ka carootay tallaabada lagu gubay Safaaradda iyo Qunsuliyadda uu Sacuudigu ku leeyahay dalkaasi.

Kuwait,  ayaa si xoogan u cambaareysay tallaabada lagu gubay Safaaradda Sacuudigu uu ku leeyahay Magaalada Tehran iyo Qunsiyadda Magaalada Mashhad.

Bayaan ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait, ayaa waxaa loogu yeeray Safiirkeeda u fadhiya Magaalada Tehran.

Inkastoo aanay Kuwait si rasmi ihi ugu dhawaaqin inay xiriirka u jartay Dowladda Iran, ayaa waxay dhinaca kal muujisay inay diyaar u tahay in xiriirka diblomaasiyadeed ay u jarto Xukuumadda Tehran.

Dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Bahrain, Sudan iyo Emirate-ka Carabta, ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jaray Iran, iyagoo markaasi u muuqdo inay la safteen Xukuumadda Riyadh, oo khilaaf xoogani uu kala dhaxeeyo Xukuumadda Tehran.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: KUWAIT OO U YEERTAY SAFIIRKA U FADHIYA DALKA IRAN, SI TALLAABO DIBLOMAASI KAGA QAADO XUKUUMADDA TEHRAN
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-06T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
KUWAIT OO U YEERTAY SAFIIRKA U FADHIYA DALKA IRAN, SI TALLAABO DIBLOMAASI KAGA QAADO XUKUUMADDA TEHRAN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:00 AM and have 0 comments