KENYA OO MAXKAMAD SOO TAAGTAY NIN LAGU EEDEEYAY INUU FAAFIYAY SAWIRADA WEERARKII CEELCADDE

KENYA OO MAXKAMAD SOO TAAGTAY NIN LAGU EEDEEYAY INUU FAAFIYAY SAWIRADA WEERARKII CEELCADDE


ADVERTISEMENTS
Maxkamad ku taallo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la soo taagay Shaqsi u dhashay dalkaasi oo ku eedeysan faafinta Sawiro la xiriira weerarkii Shabaab ay ka geysteen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo oo ay ku laayeen Askar badan oo Kenyan ah.

Ninkaan ayaa ka soo muuqday maxkamada, kadib markii ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen, xilli la sheegay inuu sawirada ku faafiyay Whatsapp.

Eddy Reuben oo ah Shaqsiga maxkamada la soo taagay ayaa lagu xiray xarun ciidan oo ku taalo Magaalada Nairobi, iyadoo maxkamadiisa dib la isaga soo noqon doono.

Dowladda Kenya ayaa horay uga digtay inay dadka Kenyan-ka ah faafiyaan sawirada la xiriira weerarkii Shabaab ay ka geysteen Xerada ciidanka Kenya ee Degmada Ceelcadde.

Ilaa hada si dhab ah looma oga tirada Askarta Shabaab weerarkaasi ay ku dileen, ka sokoow sheegadasha Shabaabka ee 100 Askari.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: KENYA OO MAXKAMAD SOO TAAGTAY NIN LAGU EEDEEYAY INUU FAAFIYAY SAWIRADA WEERARKII CEELCADDE
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-20T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
KENYA OO MAXKAMAD SOO TAAGTAY NIN LAGU EEDEEYAY INUU FAAFIYAY SAWIRADA WEERARKII CEELCADDE



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:30 PM and have 0 comments