Kenya oo kordhisay Soomaalida ay Sida Qasabka ah ku xireyso.

Kenya oo kordhisay Soomaalida ay Sida Qasabka ah ku xireyso.


ADVERTISEMENTS
Jariidada Washington Post ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa ifisay in ay sii korartay dambiyada xariga xooga ah oo Kenya kusii badanaya kaa oo loo geesanayo dadka asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya tan iyo sanadii 2011-ka wixii ka dambeeyay markii ay Xarakada Al-shabab ay weeraro ka geesatay gudaha Kenya oo dhacda bariga Africa.

Jariidada warbixinteeda oo la daabacay Sabtidii ayaa lagu sheegay waxaa la waayay Soomaali badan oo Kenya ku nooleyd kadibna la helay iyagoo meyd ah,waxaa bilowday eedeyn loo jedinayo ciidamada amaanka oo iyaga wada olale xoogan oo looga hortagayo xagjirnimada ku sii baahaysa Kenya.

Balse saraakiisha Kenya ayaa iska fogeeyay in ay ku lugleeyihiin dhacdooyinkaasi.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha gudaha Kenya ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “howlgalkeeni ka hortaga argagexisada wa kuwo ku xadeysan sharciga” balse koox xildhibaanada kaso jeeda degaanada ay ku badan yihiin Soomaalida ee waqooyi bari Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadkii meydkooda la helay badankooda ay ahaayen kuwo ay xireen Booliska.

Saraakisha Kenya ayaa indhaha la raacay 2 ilaa 3 milion Kenyan ah oo asal ahaan Soomaali ah tan iyo markii Al-shabab ay weraro ka fulisay gudaha Kenya.

Hay’adaha u dooda xaquuqda insaanka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay dilayaan cid waliba oo argagexiso uga shakiyaan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Kenya oo kordhisay Soomaalida ay Sida Qasabka ah ku xireyso.
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-12T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Kenya oo kordhisay Soomaalida ay Sida Qasabka ah ku xireyso.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:30 AM and have 0 comments