ISMAACIIL MUUSE AXMED OO NOQDAY NINKII KA DAMBEEYAY WEERARKII XEEBTA LIIDO EE LA QABTAY

ISMAACIIL MUUSE AXMED OO NOQDAY NINKII KA DAMBEEYAY WEERARKII XEEBTA LIIDO EE LA QABTAY


ADVERTISEMENTS
Inkastoo laamaha ammaanka ay xaqiijiyeen in hal nin ay u qabteen weerarkii Xeebta Liido, isla-markaana aanay shaacin magaciisa, ayaa waxaa soo baxaaya faah faahin ku aadan ninkaasi la qabtay.

Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed, ayaa noqday qofka qura ee loo qabtay weerarka uu dhiigga badani ku daatay, ay Ururka Al Shabaab habeenkii Khamiista ku qaadeen maqaaxiyadaha ku yaala Xeebta Liido.

Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed waa nin Soomaali ah, sidoo kalana haysta dhalashada dalka Holland. Ninkan waxaa la sheegay inuu ahaa ninkii horkacaayay dagaal-yahanadii Al Shabaab ee weerartay Liido.

Ismaaciil Muuse Axmed waxaa loo haystaa in sidoo kale uu ka dambeeyay weerarkii dad badan lagu dilay, ee 20-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2015-ka lagu qaaday Hotel Central, oo ku dhow Madaxtooyada Somaliya.

Warbaahinta dalka Holland, ayaa qortay in laamaha ammaanka Somaliya ay xaqiijiyeen inay gacanta ku hayaan nin haysta dhalashada Holland. Ninkan ayay sheegeen in xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Axmed Daahir, ay isku qarxisay weerarkii Central Hotel. Luul waxay sidoo kale haysatay dhalashada Holland.                                                        

Al Shabaab caan kuma aha inay ka hadasho xubnaha iyada ka tirsan marka ay gacanta ku dhiggaan hay’adaha amniga Somaliya, hadana waxay u muuqataa mid aan looga fadhin inay ka hadasho qabashada Ismaaciil Muuse.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAAN




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: ISMAACIIL MUUSE AXMED OO NOQDAY NINKII KA DAMBEEYAY WEERARKII XEEBTA LIIDO EE LA QABTAY
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-27T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
ISMAACIIL MUUSE AXMED OO NOQDAY NINKII KA DAMBEEYAY WEERARKII XEEBTA LIIDO EE LA QABTAY



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:30 AM and have 0 comments