Guzman oo Maraykanka loo masaafurinayo

Guzman oo Maraykanka loo masaafurinayo


ADVERTISEMENTS
 Dawladda Mexico ayaa si rasmi ah u bilawday hanaanka Maraykanka loogu musaafurinayo Joaquin Guzman oo ku caanbaxay ka ganacsiga daroogada.
Xukuumadda Mexico waxay sheegtay in boliiska caalamiga ah ee Interpol ay waraaqihii masaafurinta ugu hagaajinayaan xabsiga Altipalano, oo u dhaw magaalada Mexico.
Guzman oo 58 jir ah ayaa ka baxsaday xabsi bishii todobaad ee sanadkii hore waxaana dib loo qabtay Jamcihii.
Mexico waxaa kale oo ay ka baaraandagaysaa in ay baadhitaan ku samayso atooraha Hollywood-ka ka tirsan ee Sean Penn, oo waraysi ka qaaday Gusman wax yar uun kaddib markii uu xabsiga ka baxsaday.
Sarkaal Mexican ah oo aan magaciisa la shaacinin ayaa sheegay in waraysiga Penn uu ka caawiyay qabashada ninkaasi.
Mexico masaafurinta ninkan waxay u cuskanaysaa codsi uu Maraykanku u soo diray 2014-kii
Maraykanku waxay doonayaan in ay ku qaadaan dacwado la xiriira in uu dalkooda soo galiyay daroogo.
Sanadkii 2013 gudiga dambiyada ee Chicago ayaa Guzman u aqoonsaday cadawga koobaad ee bulshada.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Guzman oo Maraykanka loo masaafurinayo
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-12T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Guzman oo Maraykanka loo masaafurinayo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:30 AM and have 0 comments