Guuleed: Safarka Jawaari Waa Carqalad

Guuleed: Safarka Jawaari Waa Carqalad


ADVERTISEMENTS
CADAADO—Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa dhaliilay safar uu maanta gudoomiyaha Baarlamanka Somalia ku tagay magaalada Dhuusamareeb.

Guuleed ayaa safarka Maxamed Cusmaan Jawaari ku tilmaamay mid aan u adeegeyn nabadeynta iyo wadahadaladii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo maamulka Ahlu-Sunna.

Safarka Jawari oo ee Dhuusamareeb oo ay ku wehliyaan ku xigeenkiisa labaad iyo 24 mudane oo kale ayaa  la xiriira xal u raadinta khilaafka ka dhaxeeya Ahlusuna iyo maamulka Galmudug.

Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa ku tilmaamay safarka Jawaari mid carqalad ku ah guud ahaan dadaalka nabadeynta ee Somalia iyo shirka madasha ee lagu wado inuu dhawaan ka furmo magaalada Kismayo.

Weriyaha VOA ee magaalada Gaalkacyo Cabdiwaaxid Macallin Isaaq, ayaa warbixintan noo soo diray.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Guuleed: Safarka Jawaari Waa Carqalad
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-08T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Guuleed: Safarka Jawaari Waa Carqalad



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments