Geeraar Caloosha ku hurinaya Oo calaacal Miiran ah

Geeraar Caloosha ku hurinaya Oo calaacal Miiran ah


ADVERTISEMENTS
Jiritaanka waqti Ee nolosheyda
kama tirmeyso ee talaahi

aan ku dhaartay talaabkastoo

aan qaado adigaan ku

towaa taajkii arooskaaga

tabaabusheysigiisa aan ku

jiraa ee taajirnimo iima

laabnee toosaneey

taladeena waa toostee

tacab shiid waa ka baxnee.

taariqna an so marnay

talo aan isku racno .

==

2- Waligeed aduunyada

Waqtigaa qof saacida

Midna waayaha xira

Labadaas waxaan aheyn

Horaa loogu waayoo

Waa nin iyo waagii

Aniguba wasiisiga

Waxaan weyda lahayaa

Iigu wacan waxyeelada

Wiish bay ila sarakacay

Caashaqu wadaad maleh

Walaalowna kuma haro

Waan waanna kala dheer

Waxba haay idabiibina

Wadka aan is aragnee

Waddadiina ka ambaday

Biyo looga waayaa

waanadu idhaaftee

waan kuu xiisay

abaayo macaney.

3- jirkey huraayoo

jeenankii diidaye

jiifna waan ka cagoo

jacayl dhibkiisa

jaar ila noqdoo

jiro igu aburoo

tii aan jantee

jacaylkaba uqabay

jabkayka ma ogoo

qoomamad jaceylakaa

jaribaada ibadoo

jirku idorsoonyoo

jiro iyo xanuun badan

allow ika jaleciyoo

jabkiisa jabkiisa ihareer mar



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Geeraar Caloosha ku hurinaya Oo calaacal Miiran ah
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-19T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Geeraar Caloosha ku hurinaya Oo calaacal Miiran ah



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments