Garoonka Bosaso: Xasan Shiikh Maxamuud oo xarigga ka jaraya Gegida Diyaaradaha ee Bosaso

Garoonka Bosaso: Xasan Shiikh Maxamuud oo xarigga ka jaraya Gegida Diyaaradaha ee Bosaso


ADVERTISEMENTS
Waxaa magaalada dekadda ah ee Bosaso ku qul-qulaya wufuud kala geddisan oo ka socda qaybaha Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Maalinta Jimcada ah ayaa lagu wadaa in si rasmi ah xarigga looga jaro garoonka diyaaradaha ee Bosaso yeelatey kaas oo dhismihiisu socdey muddo 12 bilood ah. 4 Diseember 2014 ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas si rasmi ah u xarigga uga jaray dhismaha dhabaha diyaaradaha ee Bosaso, kaas oo ay ku guuleysatey shirkadda CCECC.

Mashruucan ayaa la dhihi karaa waxa uu ka mid yahay kuywii ugu ballaarnaa ee Soomaaliya laga fuliyo kadib burburkii Dowaladdii Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxda ka qaybgalaysa ilaa hadda waxaa kamid ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo isugu diyaaradiisu noqon doonto kuwa ugu horeeya ee ka dega Garoonka, waxaana lagu casumey in uu si rasmi ah xarigga uga jaro, sida ay Horseed Media ka ogaatey xubno kamid ah Xukuumadda Federaalka, waxaana xarigga kala jaraya Madaxweynaha Puntland oo isaga marti loo yahay.

Wufuudda kale waxaa kamid ah:

Cali Maxamed Geedi – Raysalwasaarihii hore Soomaaliya
Cabdiweli Shiikh Axmed – Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya
Dr. Cabdiraxmaan Faroole – Madaxweynihii hore ee Puntland
Axmed Maxamed Islaan – Madaxweynaha maamulka Jubaland
Cabdikariin Xuseen Guuleed – Madaxweynaha maamulka Galmudug
Wasiiro ka socda xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya
Siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Qaar kamid ah Isimada ayaa iyaguna ka qaybgalaya furitaanka garoonka.
garoonka

Wararka Horseed Media heleyso waxaa ka qaybgalay furitaanka Garoonka diyaaradaha Madaxda shirkadda dhistey dhabaha diyaaradda, China Civil Engineering Constraction Corporation.

Maalinta berri ah ee Khamiista waxaa garoonka ka soo degi doonta diyaaraddii u horeysey oo ah Jubba Airways nooceedu yahay Boeing 737-200, taas oo wadda wufuud kala geddisan oo ka qaybgalaya xafladda furitaanka.

Wararku waxay sheegayaan in ganacsato ka socota dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ay ka qayb galayaan xafladda furitaanka, waxaa si weyn loo rajeynayaa in shirkadaha ugu horeeya ee duulimaadyadooda ku dara ay ka mid noqondoonaanDuulimaadyada Itoobiya Airways, iyo Cumaan.

Waxaa heer dhamaad ah maraya qalabeynta Garoonka, shirkad lagu magacaabo Sunrise Airport Service ayaa la siiyey qaybta adeega rakaabka, waxaana ay keensatey dhamaan qalabkii iyo gawaari basas ah oo rakaabka loogu talagay.

Dhabbaha diyaaraduhu ku soo degaan (Runway) ayaa gaaraya 2400mitir, waxaana dhiman 1000mitir oo gadaal laga dhisayo. Wasiirka Duulista Puntland Eng. Xassan Xaaji Cali ayaa sheegay in isla sanadkan la dhamaystirayo qaybta hartey iyo Terminal cusub taas oo garoonka ka dhigeysa mid caalami ah oo ay ku soo degi karaan noockasta oo diyaaradaha caalamka kamid ah oo u baahan ugu yaraan 34oomitir.

Si kastaba ahaatee Garoonka cusub oo maalinta Jimacada ah si rasmi ah magaciisa derbiga loogu dhejin doono laguna dhawaaqi doono ayaa door weyn ka qaadan doona kor u qaadida ganacsiga iyo maalgashiga Puntland, Somaliya.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Garoonka Bosaso: Xasan Shiikh Maxamuud oo xarigga ka jaraya Gegida Diyaaradaha ee Bosaso
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-08T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Garoonka Bosaso: Xasan Shiikh Maxamuud oo xarigga ka jaraya Gegida Diyaaradaha ee Bosaso



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments