FASHALKA KU DHACAY SHIRKA KISMAAYO MAXAA U SABAB AH TOLLOW?

FASHALKA KU DHACAY SHIRKA KISMAAYO MAXAA U SABAB AH TOLLOW?


ADVERTISEMENTS
FASHiLIKA KU DHACAY SHIRKA KISMAAYO WAA HORDHAC FA SHALO BADAN OO UU KEENAY NIDAAMKA FEDERALISM KA OO AH MU AAMARAD LOO MALEEGAY UMMADDA SOOMAALIYEED!

Marka hore aan ku bilaabo arinta saldhiga u ah qilaafka taagan oo laga yaabo in uu isku badalo gacan ka hadal ama dagaal sogeeyo oo waji cusub leh sidii ka dhacday dhawaan magaaladda Galkacyo, wajiga cusub oo dagaalku waa labo nooc mid waa is garabsiga qab qablayaasha isku qabiilka sheegta oo aan xuduud iyo xaajo midna wadaagin ee kaliya ku shaqeeya waxa looga soo yeeriyo dalalka dariska la ah Soomaaliya oo dhaar kumaray in aysan Soomaaliya ka hir galin dowlad hanata dalka oo dhan.

Wajiga labaad oo dagaalka nagu soo foodlehna waa dagaalka xuduudda dowlad qabiileedyadda hadda dalka laga hir galinayo oo runtii aan anigu u arko in ay yihiin dabin loo dhigay ummadda Soomaaliyeed oo si heer sare ah looga soo shaqeeyay isla markaasna wali ay noo dhiman yihiin wajiyo badan oo wali ka dahsoon ummadda Soomaaliyeed.
Tusaale Dowlad qabiileedkasta waxaa loo dhisay ciidan ka amar qaata Madexweyne Qabiileedka asagu isku magaacaabay deegaanka qabiilkiisa ama laga soo diray meel ka baxsan Soomaaliya si uu uga qayb qaato sii fogeeynta colaadda iyo kala qoqobidda Umadda Soomaaliyeed oo walaalaha ah.

Su’aalo taagan oo aan waydiinayo dhamaan dadka aan wali ka rajo dhigin in ay soo noqoto qaran nimaddii iyo jiritaankii ummadda Soomaaliyeed, ma idin la tahay in dadka hadda u taagan hogaan ka soomaaliyeed dalka ka saari karaan dhibka aan ku jirno?

Qaabka federalism ka oo qabiilka ku salaysan ma jirtaa meel kale oo dunida ka mid ah oo uu ka shaqeeyo?
Shacabka Soomaaliyeed ma fahamsan yahay waxa loogu yeero federal?
Ugu danbayntii waxaan codsanayaa in af Soomaali la iigu turjumo qoraalka hoos ku qoran oo ka hadlaya nidaamka Federalismka.

(Federalism is a system of government in which the same territory is controlled by two levels of government. Generally, an overarching national government governs issues that affect the entire country, and smaller subdivisions govern issues of local concern.)

Markii aan isla fahamno macnaha federalism aan ka wada hadalno in Soomaaliya qaab federalism ah ka shaqeeyn karo iyo in kale.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: FASHALKA KU DHACAY SHIRKA KISMAAYO MAXAA U SABAB AH TOLLOW?
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-19T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
FASHALKA KU DHACAY SHIRKA KISMAAYO MAXAA U SABAB AH TOLLOW?



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments