Dowladda Imaaraadka Carabta oo ballan qaadey xoojinta taageerada ciidanka Soomaaliya

Dowladda Imaaraadka Carabta oo ballan qaadey xoojinta taageerada ciidanka Soomaaliya


ADVERTISEMENTS
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya  Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalkeena Soomaaliya Amb.  Maxamed Cusmaan, waxana ay ka wada  hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidoo kale taageerada ay dowladda  Imaaraadka Carabtu siinayaan  Ciidamada Dawladda Soomaaliya.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in Danjire Muxamed Cusmaan ay  isla soo qaadeen  sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo xusay in dowladda Imaaraadku ay balan-qaaday sii xoojinta tababarka iyo tayaynta ciidamadda qalabka-sida. Mudane Diini ayaa mahad celin u jeediyay Dawladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta sida walaaltinimada leh ee ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Safiirka taageeradooda ku aaddan Ciidanka Xoogga dalka, wuxuna dhinaca kale sheegay in mar walba  ay ka go’an tahay  sii xoojinta cilaaqaadka labada dalka.


“Waxaan wadahadal dheer oo wax ku ool ah la yeelanay Danjiraha Dawladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya oo aan ka wada-hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa mashaariicda Imaaraadka ee Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska Ciidamada Xoogga Dalka”. ayuu yiri Gen Maxamed Aaden.

Sidoo kale Safiirka Dowalada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay kordhin doonan taageerada Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda iyo mashaariicda horumarineed intaba.





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dowladda Imaaraadka Carabta oo ballan qaadey xoojinta taageerada ciidanka Soomaaliya
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-04T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dowladda Imaaraadka Carabta oo ballan qaadey xoojinta taageerada ciidanka Soomaaliya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:00 PM and have 0 comments