DIYAARAD SIDA CIIDANKA ILAALADA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARTAY KISMAAYO

DIYAARAD SIDA CIIDANKA ILAALADA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARTAY KISMAAYO


ADVERTISEMENTS
Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, ayaa sheegaya inay halkaasi gaartay Diyaarad sida ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliya ee loo yaqaan Koofi Gaduuda.

Ciidankaan ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana ay hor dhac u sii yihiin Wafdiga Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee la filaayo in gelinka dambe ee maanta ay gaaraan Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Koofi Gaduuda, ayaa hubin doono ammaanka Xarunta Shirka Wadatashiga Qaran ee Kismaayo ka furmaayo, inkastoo aysan si toos ah ammaanka ula wareegeyn, hadana waxa ay shaqada ugu badan qaban doonaan kolka Madaxweynaha uu Kismaayo tago oo amnigiisa ay xaqiijin doonan.

Saraakiisha ciidanka horkaceysa ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo, iyadoo ciidamada Ilaalada gaarka ah ee Madxweyne Xasan Sheekh loo daabulaayo halka Shirka uu ka furmi doono.

Madaxweynaha Somaliya ayaa wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan marka uu furo Shirka Jowhar, kadib inuu u duuli doono Magaalada Kismaayo oo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran uu halkaasi ka furi doono.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: DIYAARAD SIDA CIIDANKA ILAALADA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARTAY KISMAAYO
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-13T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DIYAARAD SIDA CIIDANKA ILAALADA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARTAY KISMAAYO



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments