DHAAWACYADA CIIDAMADA KENYA OO MAANTA LA GAARSIIYAY MAGAALADA NAIROBI (SAWIRRO)

DHAAWACYADA CIIDAMADA KENYA OO MAANTA LA GAARSIIYAY MAGAALADA NAIROBI (SAWIRRO)


ADVERTISEMENTS
Tiro ka mid ah Ciidamada Militariga Kenya oo maalintii Jimcaha lagu dhaawacay weerarkii, ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay Magaalada Nairobi.

Illaa saddex diyaaradood oo siday dhaawacyada Ciidamada Kenya, ayaa waxay ka soo cago dhigteen Garoonka Wilson ee Magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo, ayaa Garoonka ku soo dhaweysay dhaawacyada Ciidamada Kenya ee laga keenay dhinaca Somaliya.

Wasiiradda waxay kaloo sheegtay in dhaawacyo kale oo ka tirsan Militariga Kenya isla maanta la gaarsiiyay Garoonka Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Iyadoo Saxaafadda kula hadleysay Garoonka Wilson, ayaa waxay ka dhawaajisay inay jiraan gurmad loogu maqan yahay Ciidamada kale ee Kenya, ee lagu waayay dagaalkii Degmada Ceelcadde.

Al Shabaab waxay maanta shaacisay inay nolosha ku qabatay 12 ka mid ah Ciidamada Militariga Kenya, isla-markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan.







ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: DHAAWACYADA CIIDAMADA KENYA OO MAANTA LA GAARSIIYAY MAGAALADA NAIROBI (SAWIRRO)
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-18T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DHAAWACYADA CIIDAMADA KENYA OO MAANTA LA GAARSIIYAY MAGAALADA NAIROBI (SAWIRRO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments