Dadkuba Ha Ila Yaabeene! Jaceylkaagu Waa Waxa Keliya Aanan Fileyn Inaan Ka Shalaayo.

Dadkuba Ha Ila Yaabeene! Jaceylkaagu Waa Waxa Keliya Aanan Fileyn Inaan Ka Shalaayo.


ADVERTISEMENTS
Daqiiqada aan kaa fekero adiga,waxaan aadaa duni kale,aduun aad igu jeceshahay adiga xitaa,islamarkaana aan leygu dhaawici karin.
Xaqiiqadu waa inaanan aqoon wax aan ku iraahdo,maskaxdeyda waxey noqotaa mid maran oo aan waxba ku qorneyn,aniga weliga sidaan nolosheyda uma lumin,laakin qalbigeyga adiga ayuu si fudud kuu jecel yahay.
Hadii inaan faraha ka qaado xal ii ahaan lahey, shaki la’aan waan yeeli lahaa,laakin ma xakameyn karo codka xooga ee iisheegayaa inaanan sidaas sameyn.
Ma heysto tilmaam ah sidaan kugu fasixi karo, Tolow waxa aad igu sameysan ayaa igu qasbaya inaan sidaan kuu sii jeclaado.
Laga yaabee inaan ku jeclaado ineysan qalad ahey,laga yaabee inaan intaan indhaha isku qabto oo aan dhoolacadeeyo,waxaa suurtagal ah joogitaankaga qalbigeyga inuusan jebineyn,waxaan hada riyoon karaa xoogaa badan.
Waxaan mararka qaar la yaabaa inaad adiguna dareento sidaan ahay camal,waxaan isweydiiyaa inaad iga fekerto,oo adigoo aamusan aad magaceyga iigu yeerto,ma dhici kartaa anigoon kula joogin inaad muuqaalkeyga aragto.
Bilowgii waxaan u maleeyey iney tahay been,ma fileyn inaad xad sidaan u dheer gaari doono,waxey la aheyd iney wax qaldan yihiin,laakin hada ma joojin karo ka fekerida meel walbo oo aad joogto.
Su’aashu waxey tahay ma i daneyneysaa? Ma ogtahay inta aan kuu qabo,mana noqon doontaa qof midigteyda taagan? Mise waxaad igu dhaafi doontaa cidlada?
Hadii ay jirto sabab uu ku sii noolaan karo dareenkaan,iisheeg inaad ila wadaagi karto xanuunkan,iina muuji inaad weliga xageyga tahay.
Jaceylkeyga aan kuu qabo waa mid hanaankiisu xoogan yahay,xageygana waa adag tahay inaan si fudud ku ilaawo. Laakin dadkuba ha ila yaabeene jaceylkaagu waa waxa keliya aanan fileyn inaan ka shalaayo.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dadkuba Ha Ila Yaabeene! Jaceylkaagu Waa Waxa Keliya Aanan Fileyn Inaan Ka Shalaayo.
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-21T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dadkuba Ha Ila Yaabeene! Jaceylkaagu Waa Waxa Keliya Aanan Fileyn Inaan Ka Shalaayo.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments