DAAWO AADAN BARRE DUCAALE: ASKARTII SHABAAB AY KU DILEEN CEELCADDE 7 SOMALI AH OO REER GAARISA AYAA KU JIRTAY

DAAWO AADAN BARRE DUCAALE: ASKARTII SHABAAB AY KU DILEEN CEELCADDE 7 SOMALI AH OO REER GAARISA AYAA KU JIRTAY


ADVERTISEMENTS
Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya, Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay weerarkii 15-kii Bishan ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo Askartii lagu laayay inay ka mid ahaayeen 7 Askari oo ka mid aheyd Somalida degta dalka Kenya.

Dowladda Kenya waxa ay ka war wareegaysaa inay shaaciso tirada rasmiga ah Askartii lagu dilay weerarkii Ceelcadde, xilli Askar ka mid ah kuwii la dilay Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

Xildhibaan Ducaale, wuxuu sheegay Shabaab Askarta ay dileen inay ku jireen Askartaasi Somalida ah, balse Shababka aysan kala aqoon Somali iyo Ajnabi oo ay isugu mid yihiin.

Ducaale waxa uu intaa raaciyay in Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ah ee ka soo jeeda Waqooyi bari Kenya looga baahan yahay inay sameeyaan wixii karaan kooda ah,si looga hortago dhibaatada heysata dadka Waqooyi bari ka soo jeeda.

Marka laga soo tago tiradan laga soo xigtay xildhibaan Ducaale ayaa waxaa sidoo kale jiray askar kale oo kasoo jeeday degmada Wajeer oo iyana kamid ah askartii lagu laayey Ceelcade. 

Shabaab ayaa sheegtay weerarkii ka dhacay Degmada Ceelcadde inay ku dileen Askar gaaraysa 100 Askari oo Kenyan ah, inkastoo ilaa hada aanan la heyn tirada Rasmiga ah ee Askarta la dilay.


HALKAAN KA DAAWO




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: DAAWO AADAN BARRE DUCAALE: ASKARTII SHABAAB AY KU DILEEN CEELCADDE 7 SOMALI AH OO REER GAARISA AYAA KU JIRTAY
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-31T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DAAWO AADAN BARRE DUCAALE: ASKARTII SHABAAB AY KU DILEEN CEELCADDE 7 SOMALI AH OO REER GAARISA AYAA KU JIRTAY



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:30 PM and have 0 comments