C/weli Gaas oo ku dhacay Dabinkii Damul-jadiid & Dagaal Siyaasadeed Cusub..

C/weli Gaas oo ku dhacay Dabinkii Damul-jadiid & Dagaal Siyaasadeed Cusub..


ADVERTISEMENTS
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo habeenimadii xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Somalia kadib markii uu qaadacay go’aanka ay Dowlada Somalia ka qaadatay shirka wadatashiga kuna soo saartay heshiis lawada gaaray.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib shirkii Jaraa’id ee uu ku qabtay madaxtooyada kaga hadlay go’aankii ay Dawladda Federaalku gaatay kaasi oo ahaa in aqalka hoose ee baarlamaanka lagu soo xulidoono habka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5, halka aqalka sarena lagu soo xuli doono hab maamul goboleed iyadoo Puntland iyo Somaliland loogu dari doono min saddex xubnood oo dheeraad ah, go’aankaas oo beesha caalamkuna ay soo dhoweysey.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in go’aanka ay gaartay Dawladda Federaalka ee ku saabsan geeddi socodka Doorashooyinka 2016-ka aanu ahayn mid ay gebi ahaanba Puntland aqbalayso.

Nuqul kamid ah hadalada uu ka jeediyay shirkiisa Jaraa’id ayaa waxaa kamid ahaa “Waxaan rabaa halkaan inaan ka caddeeyo anigoo ku hadlaya magaca Puntland in aanan aqbalayn go’aankaas, ka-madaxweyne ahaana aanu ahayn go’aankaasi mid ay ii soo wakiisheen shacabka Puntland, aniguna rabitaankooda ayaan ku shaqaynayaa”


Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale xusay shacabka soomaaliyeed in ay yihiin dad isku dan ah islamarkaana isku baahi ah oo doonay inay gaaraan horumar iyo caddaalad balse waxa mustaqbalkooda hortaagni uu yahay nidaamka qabiilka ee 4.5 kaas oo aafeeyey horumarkii iyo helitaanka dawladnimadii soomaaliyeed.

“Anigu ka madaxweyne ahaan shacaka Puntland ayaan kucelinayaa talada iyaga ayaana go’aanka masiirkooda iska leh”.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa geba-gebadii tilmaamay in uu talada ku celin doono shacabka reer Puntland maadaama ay iyagu yihiin cidda iskale go’aanka kama dambaysta ah.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: C/weli Gaas oo ku dhacay Dabinkii Damul-jadiid & Dagaal Siyaasadeed Cusub..
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-28T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
C/weli Gaas oo ku dhacay Dabinkii Damul-jadiid & Dagaal Siyaasadeed Cusub..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:00 PM and have 0 comments