Ciyaartooy la kala iibsaday ee horyaalka Ingiriiska

Ciyaartooy la kala iibsaday ee horyaalka Ingiriiska


ADVERTISEMENTS
Newcastle waxay qaadatay ciyaartoyga xulka qaranka Ingiriiska ka tirsan ee Andros Townsend oo ay kaga soo iibsatay kooxda Tottenham lacag gaareysa £12m.
Laacibka Ramires ee kooxda Chelsea dhexda uga dheela waxaa uu dhammaystiray heshiis uu £25m ugu wareegayo koox waddanka China, taas oonoqonaysa lacagtii ugu badnayd ee koox China ka dhisan ay ciyaartoy ku soo gadato, waana kooxda lagu magacaabo Jiangsu Suning.
Sunderland waxay qaadatay ciyaartoyga heerka caalami ee u dhashay dalka Ivory Coast oo difaaca ka ciyaara ee Lamine Kone oo ay kala soo wareegtay kooxda Fransiiska ah ee Lorient. Lacagta lagu kala iibsaday daboolka lagama qaadin.
Dhinaca kale, Kooxda Manchester City ayaa u soo baxday cayaarta kama dambaysta ah ee koobka capital 1, kaddib markii ay xalay 3-1 uga badisay kooxda Everton.
Goolka waxaa ku horreeyey Everton oo daqiiqaddii 18aad uu u dhaliyey Ross Barkley, laakin daqiiqaddii 24aad ayaa waxaa barbarreeyey Fernandinho, waxaana u labeeyey daqiiqaddii 70aad Kevin de Bruyne oo markii dambe garoonka dhaawac ahaan looga qaaday, waxaana goolka ugu dambeeyey oo madax ahaa ka dhaliyey Sergio aguero daqiiqaddii 76aad, waxayna celcelis ahaan ku badisay Manchester city 4-3. Manchester city iyo Liverpool ayaa cayaarta kama dambaysta ah ee koobka capital 1 isaga hor imaan doona garoonka Wembley, 28ka February.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Ciyaartooy la kala iibsaday ee horyaalka Ingiriiska
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-30T01:51:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ciyaartooy la kala iibsaday ee horyaalka Ingiriiska



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:51 AM and have 0 comments