CIIDAN UU HORKACAAYO GENERAL CABAAS IBRAAHIM GUREY OO GALABTA KAABIGA KU HAAYA DEGMADA CEELCADDE

CIIDAN UU HORKACAAYO GENERAL CABAAS IBRAAHIM GUREY OO GALABTA KAABIGA KU HAAYA DEGMADA CEELCADDE


ADVERTISEMENTS
Boqolaal askari oo isugu jira Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Amisom, ayaa waxay galabta kaabiga ku hayaan Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Ururka Al Shabaab oo Jimcihii dagaal qaraar kula wareegay gacan ku haynta Degmadan, ayaa Duhurnimadii maanta isaga baxay Degmadaasi.

General Cabaas Ibraahim Gurey oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, ayaa hogaaminaaya boqolaalka askari ee galabta ku wajahan Degmadaasi.

Ciidamada Kenya, ayaa waxaa weerarkaasi ka soo gaaray khasaaro buuran, inkastoo Dowladda Kenya aanay illaa iyo hadda ka hadlin khasaaraha weerarkaasi ka soo gaaray Ciidamadeeda Militariga.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen in ka badan 100 askari, oo ka tirsan Ciidamada Militariga Kenya, halka tiro kalana ay kaga dhaawaceen.

Al Shabaab waxay maanta shaacisay inay nolosha ku qabatay 12 ka mid ah Ciidamada Militariga Kenya, isla-markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: CIIDAN UU HORKACAAYO GENERAL CABAAS IBRAAHIM GUREY OO GALABTA KAABIGA KU HAAYA DEGMADA CEELCADDE
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-18T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
CIIDAN UU HORKACAAYO GENERAL CABAAS IBRAAHIM GUREY OO GALABTA KAABIGA KU HAAYA DEGMADA CEELCADDE



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments