CIIDAMO BADAN OO SAAKA LAGU ARKAAYO MUQDISHO IYO WADOOYINKA QAAR OO XIRAN

CIIDAMO BADAN OO SAAKA LAGU ARKAAYO MUQDISHO IYO WADOOYINKA QAAR OO XIRAN


ADVERTISEMENTS
Waxaa saaka Magaalada Muqdisho laga dareemayaa in si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada, iyadoo wadooyinka qaar ee caasimada lagu arkaayo ciidamo si fejignaan ah amniga u sugaayo.

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya iyo Booliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka, waxaana si aad ah  u socda gaadiidka ciidanka ay saaran yihiin, xilli wadooyinka qaar ay xiran yihiin.

Wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama ayaa ah mid xiran oo waxa aanan shaqeynayn oo halkaasi isticmaaleyn gaadiidka Dadweynaha oo ciidamada ayaa diiday.

Dadka shacabka ah ayaa ah kuwa lugeynaya, maadaama gaadiidka Dadweynaha loo diiday inay halkaasi maraan, iyadoo sidoo kale wadada horumarta madaxtooyada loo diiday gadiidka dadweynaha.

Lama oga marxalada ku soo korodhay Magaalada Muqdisho, hayeeshe xiliyada noocaan oo kale ah ayaa Dadka reer Muqdisho waxa ay dareemaan in Madax Ajaanib ah ay soo degayso ama Madaxda Dowladda meelaha qaar ay booqanayaan.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ee wadooyinka taag taagan ayaa feejignaan ku jira, lamana ogola gaadiid aanan aheyn kuwa Dowladda inay wadada maraan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: CIIDAMO BADAN OO SAAKA LAGU ARKAAYO MUQDISHO IYO WADOOYINKA QAAR OO XIRAN
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-20T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
CIIDAMO BADAN OO SAAKA LAGU ARKAAYO MUQDISHO IYO WADOOYINKA QAAR OO XIRAN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:30 PM and have 0 comments