Ciidamada Badda ee Dalka Iran oo Xiray Saraakiil Katirsan Ciidamada Maraykanka (VIDEO)

Ciidamada Badda ee Dalka Iran oo Xiray Saraakiil Katirsan Ciidamada Maraykanka (VIDEO)


ADVERTISEMENTS
anuary 13, 2016 – Ciidamada Badda ee dalka Iran ayaa gacanta ku soo dhigay ilaa 10- sarkaal oo katirsan Ciidamada Badda ee Dalka Mareykanka iyo Labo doon oo ay wateen, kadib markii ay Ciidamadani ku soo xadgubeen biyaha Dalka Iiraan.

Dowlada Iiraan ayaa sheegtay inay gacanta ku hayso 10-sarkaal oo katirsan Ciidamada Mareykanka iyo doonyo ay wateen, Waxa ayna Dowladu sheegtay in Ciidamadani ay ka qabteen iyagoo ku jira xadka dalka Iran waxaana lagu wadaa baaritaan lagu ogaanayo sababtii ay u soo galeen dalkaasi.


Ciidamadan Mareykanka ahi ayaa la sheegay in ay kasoo amba-baxeen dalka Kuwait kuna sii jeedeen dalka Baxrayn, kadibna ay jihadii ay ka luntay sababtaas ayaa keentay inay u galaan biyaha Dalka Iiraan.

Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Mareykanka ayaa qirtay in Ciidamo katirsan kuwa Badda Mareykanka ay gacanta ugu jiraan Dowlada Iiraan , waxa ayna Wasaarado rajo wanaagasan ka muujisay in Dowlada Iiraan ay fasaxi doonto ciidamadaasi baaritaanka ay ku wadaan kadib.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Ciidamada Badda ee Dalka Iran oo Xiray Saraakiil Katirsan Ciidamada Maraykanka (VIDEO)
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-14T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ciidamada Badda ee Dalka Iran oo Xiray Saraakiil Katirsan Ciidamada Maraykanka (VIDEO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments