Caruurtii Soomaalida laga keenay Sucuudiga oo Markii ugu horeysay Iskuul ka bilaabay Canada [Daawo]

Caruurtii Soomaalida laga keenay Sucuudiga oo Markii ugu horeysay Iskuul ka bilaabay Canada [Daawo]


ADVERTISEMENTS
Caruurtii Agoonta ahayd ee Soomaaliyeed ee degenaanshaha ka helay dalka Canada ayaa todobaadkan markii ugu horeysay iskuul ka bilaabay magaalada Winnipeg ee dalka Canada.

Qoyskan ayaa 14kii bishan Janaayo laga keenay dalka Sucuudiga oo ay ku noolaayeen, kadib markii uu u dacwooday walaalkood oo si qaxootinimo ah ku galay dalka Canada. Waxaana ka qeyb qaatay in caruurtan dalkaasi Canada la keeno hay’adaha Hospitality House Refugee Ministry iyo Rupert’s Land oo taageero ka helaysa shacabka Canada ee dhaqaalaha ugu deeqay kharashka ku baxay safarkooda.



Caruurtan aabahood ayaa ka shaqeyn jiray Qunsuliyada Jeddah ee Soomaaliya, waxayna sharcigooda waayeen markii waalidkood ay dhinteen.

Caruurtan oo gaaraya 11 ayaa isugu jira wilal iyo gabdho, isla markaana ku dhashay dalka Sucuudiga balse aan wax sharci ama degenaansho ah ka helin Boqortooyada Sucuudiga.

Qoyskan ayaa muddo dheer si cabsi ah ugu noolaa dalka Sucuudiga kadib markii la sheegay in loo tarxiilayo dalka Soomaaliya oo ay Caruurtan weligood arag!

Wiilka ugu weyn qoyskan Fahdi Ismaaciil ayaa isagoo 16 sano jir ah si tahriib ah ku galay wadanka Canada, halkaasi oo uu uga dacwooday caruurta la dhalatay, wuxuuna sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in dalka Canada loogu keeno walaalihiis oo cunuga ugu yar ay jirto 18 bilood, halka inta kale caruurta ay u dhaxeyso 8 sano illaa 16 sano jir aan qaarkood weligood wax iskuul ah tegin.


Hoos ka daawo soo dhaweyntii Caruurta Soomaaliyeed ee laga keenay dalka Sucuudiga






ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Caruurtii Soomaalida laga keenay Sucuudiga oo Markii ugu horeysay Iskuul ka bilaabay Canada [Daawo]
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-27T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Caruurtii Soomaalida laga keenay Sucuudiga oo Markii ugu horeysay Iskuul ka bilaabay Canada [Daawo]



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments