Boqollaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee Howl-galka AMISOM oo Maanta Gaaray Kismaayo

Boqollaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee Howl-galka AMISOM oo Maanta Gaaray Kismaayo


ADVERTISEMENTS
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa goordhow kasoo dagay ku dhawaad 250 askari oo ka socda Itoobiya, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgallada ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.

Ciidamadan oo aad u qalabeeysan ayaa waxaa ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda ugu sareeysa ee Jubaland.

Maalin kahor ayay ahayd markii magaalada Kismaayo ay soo gaareen saraakiil ka socotay ciidamada Itoobiya, kuwoo oo qiimeyn ku sameeynayay goobihii la dejin lahaa ciidamada maanta yimid.

Hadduu Eebbe ogolaado, warbixin faahfaahsan iyo Sawirro goordhow ayaan idiin soo gudbin doonnnaa.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Boqollaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee Howl-galka AMISOM oo Maanta Gaaray Kismaayo
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-04T20:17:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Boqollaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee Howl-galka AMISOM oo Maanta Gaaray Kismaayo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:17 PM and have 0 comments