BANNAANBAXYO LOOGA SOO HORJEEDO DILKA NIMR AL-NIMR OO KA KALA DHACAY BAHRAIN, IRAN IYO BANGLADESH (SAWIRRO)

BANNAANBAXYO LOOGA SOO HORJEEDO DILKA NIMR AL-NIMR OO KA KALA DHACAY BAHRAIN, IRAN IYO BANGLADESH (SAWIRRO)


ADVERTISEMENTS
Iyadoo maanta uu Sacuudiga xukun dil ihi ku fuliyay 47 qof oo uu ku jiro Wadaad Shiicada Sacuudiga ka tirsanaa, ayaa waxaa banaanbaxyo looga soo horjeedo dilkiisa ay ka kala dhaceen Bahrain, Iran iyo Bangladesh.

Dadweyne ka carooday dilka Wadaadkaasi, ayaa dhigay banaanbaxyo ay ku cambaaraynayaan Boqortooyada Sacuudiga Carabiya. Bahrain oo kale banaanbaxyada ka dhacay waxay ahaayen kuwo rabshado watay.

Dowladda Iran waxay xoog kaga carootay dilka maanta lagu fuliyay ninkan. Iran waxay ku hanjabtay in dilkan uu noqon doono mid horseeda burburka qoyska Boqortooyada Sacuudiga ee talada haaya.

Ayatollah Ahmad Khatami oo ka mid ah Wadaadada Shiicada Iran, ayaa wax aan wanaagsanayn ku sheegay xukunkii daldalaadda ahaa ee maanta lagu fuliyay Nimr al-Nimr.

Warbaahinta Bariga Dhexe, ayaa maanta qortay in xukunka lagu fuliyay Nimr al-Nimr laga dareemay Wadamada Gobolka. 

Sacuudigu wuxuu difaacay tallaabada uu ku qaarajiyay ninkaasi.

Sacuudiga, Iran, Shiinaha, Emirate-ka iyo Iraq waa shanta dal ee caalamka ugu badan ee xukunada dilka ihi laga fuliyo sanadkiiba.










ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: BANNAANBAXYO LOOGA SOO HORJEEDO DILKA NIMR AL-NIMR OO KA KALA DHACAY BAHRAIN, IRAN IYO BANGLADESH (SAWIRRO)
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-03T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
BANNAANBAXYO LOOGA SOO HORJEEDO DILKA NIMR AL-NIMR OO KA KALA DHACAY BAHRAIN, IRAN IYO BANGLADESH (SAWIRRO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments