Bahrain Oo Xiriirka U Jartay Dowladda Iran

Bahrain Oo Xiriirka U Jartay Dowladda Iran


ADVERTISEMENTS
Bahrain ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Iran Isniinta, kadib go’aankii dalka ay xulufada yihiin ee Saudi Arabia uu xiriirka ugu jaray Iran, taasi oo ka dambeysay markii la weeraray safaaradda Sacuudiga ee Tehran.

Bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka qaranka ee BNA, ayaa Bahrain waxa ay diblomaasiyiinta Iran ugu baaqday inay dalka uga baxaan muddo 48 saac ah gudahood.

Saudi Arabia, ayaa markii go’aankeeda ku dhowaaqeysay axadddii waxa ay sidoo kale siisay diblomaasiyiinta Iran laba maalmood inay dalka uga baxaan.

Iran ayaa goor sii horreysay cambaareysay tallaabadii ay Sacuudiga ku jareen xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey labada dal, waxaana ay sheegtay in taasi ay xiisad ka hurineyso gobolka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Hossein Jaber Ansari, ayaa sheegay in diblomaasiyiinta Iran aysan weli kasoo tagin dalka Sacuudiga, balse la diyaariyey qaabkii ay uga soo bixi lahaayeen.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Bahrain Oo Xiriirka U Jartay Dowladda Iran
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-05T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Bahrain Oo Xiriirka U Jartay Dowladda Iran



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments