ABWAAN CABDI SHIRE JAAMAC (CIYAAR JECEL) OO LOO DHAARIYAY XUBINIMADA BAARLAMAANKA SOMALIYA

ABWAAN CABDI SHIRE JAAMAC (CIYAAR JECEL) OO LOO DHAARIYAY XUBINIMADA BAARLAMAANKA SOMALIYA


ADVERTISEMENTS
Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel), ayaa wa xaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xubinimadiisa Baarlamaanka Somaliya, waxaana lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Abwaan Cabdi Shire Jaamac, ayaa waxaa lagu bedelay Xuseen Warsame Samatar oo ka mid ahaa Baarlamaanka Somaliya, dhawaana ku geeriyooday wadanka Turkiga. 


Cabdi Shire Jaamac oo ah Gudoomiyaha Kooxda Qaylo Dhaan oo fadhigoodu uu yahay Magaalada London, ayaa maanta ka qaybgelay kulankii ay maanta Xildhibaanada Baarlamaanku ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka.

Abwaan Ciyaar Jecel, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, iyadoo hadda ka dibna uu u muuqdo mid ku sii nagaan doono Xarunta Somaliya, haddiiba uu ka mid noqday Baarlamaanka.





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: ABWAAN CABDI SHIRE JAAMAC (CIYAAR JECEL) OO LOO DHAARIYAY XUBINIMADA BAARLAMAANKA SOMALIYA
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-27T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
ABWAAN CABDI SHIRE JAAMAC (CIYAAR JECEL) OO LOO DHAARIYAY XUBINIMADA BAARLAMAANKA SOMALIYA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments